telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharaxiinta Xuseen Ibraahim Askar Iyo Maxamed Jaamac Koodbuur ( Shiine ) Ayaa Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Maroodijeex + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Xuseen Ibraahim Askar Iyo Musharax Maxamed Jaamac Koodbuur Shiine Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland Isla Markaana Kasharaxan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Ayaa Deeq Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaamo Hoos Yimaada Gobolka Maroodijeex Oo Maalmihii Udanbeeyay Ay Kasoo Yeedhaysay Qaylo Dhaan Biyo La’aan Ahi

Musharax Maxamed Jaamac Koodbuur Shiine Oo Warbaahinta Lahadlay Ayaa Sheegay Deegaanada Ay Gaadhsiiyeen Deeqda Biyaha Kaasoo Sheegay Inaykala  Yihiin Deegaanada  Qoton-Dabo Xorfada  Badarwanaag Qorijablay Ballimataan Ina Igareh Labisagaala Iyo Balliga Maxamed Daauud Iyo Deegaano Kale

Musharax Xuseen Ibraahim Askar Oo Isna Halkaasi Kahadlay Ayaa Sheegay In Aanay Deeqdan Biyaha Ah Aanay Bulshada Deegaanadan Degan Kaga Doonayn Inay Codkooda Siiyaan Balse Ay Ayla Qaybsanayaan Xaalada Ayku Suganyihiin

Dhanka kale Dadwaynaha Degan Deegaanada Ay Labada Musharax Gaadhsiiyeen Deeqda Biyaha Ah Ayaa Uga Mahadnaqay Muaharaxiintooda Deeqdaa Biyaha Ah Ee Aysoo Gaadhsiiyeen Waxaanay Sheegeen Inay Usoo Gurmadeen Dadkooda Xiligii Munaasibka Ahaa Iyada Oo Xiligan Lagu Jiro Ay Jirto Biyo La’aan Baaxad Leh Taasoo Saamaysay Dad Iyo Xoolaba

Waxaanay Labada Musharax Ubalabqaadeen Inay Garab Istaagi Doonaan Isla Markaana Codkooda Siin Doonaan Marka Lagaadho Maalinta Doorashada

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom