telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi:- Waa Sidee Xidhiidhka Kim Jong-un Iyo Joe Biden ?

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay isku dayayeen inay la xiriiraan dowladda Kuuriyada Waqooyi tan iyo bishii Febraayo laakiin wali wax jawaab ah aysan ka helin.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Aqalka Cad uu isku dayay in uu qaabab kala duwan xiriir ula sameeyo xukuumadda Pyongyang si loo dajiyo halista ah in xiisadda labada dhinac ay sii korodho.

Madaxwayne Biden ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda uu soo saaro faahfaahin ku saabsan siyaasadaha uu kula dhaqmi doono Kuuriyada Waqooyi.

Bishii Janaayo, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in Mareykanka ay yihiin cadowga ugu wayn ee uu dalkiisa leeyahay.

Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi ayaa wali isku khilaafsan barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaalaha ee Kuuriyada Waqooyi.

Seddex kulan oo dhex maray madaxweynihii ka horeeyey Mr Biden – Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa guul yar laga gaadhay.

Wadahadallada ayaa fashilmay kaddib markii lagu guul darreystay Kuuriyada Waqooyi laga dhaadhiciyo inay ka tanaasulaan hubka nukliyeerka, kaasoo ahaa dalab muhiim ah oo ay u baahan yihiin Mareykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaan weli Biden u aqoonsanayn Madaxweynaha Mareykanka.

Mr Biden wuxuu horey u shaaciyey dib u eegis siyaasadeed oo ku saabsan Kuuriyada Waqooyi, taasoo la filayo in la soo bandhigo bisha Abriil.

Wuxuu ugu yeeray Mr Kim iyo maamulkiisa “tuugo” wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hub ka dhigista Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ka hor inta aan laga khafiifin cunaqabateynta culus ee Mareykanka iyo Qaramada Midoobay..

Kim ayaa balllan qaaday in uusii kordhin doono awoodaha niyukleerka iyo midda militari ee dalkiisa.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donold Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa labo mar uu kulamo taariikhi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Balse kulamadaaasi ma jirin natiijooyiin iyo heshiisyo la taaban karo oo ka soo baxay.

Kuuriyada waqooyi ayaa mar walba Mareykanka ugu baaqda in marka hore cunaqabateynta saaran uu ka qaado ka hor inta aan wadahadalo miro dhal ah la yeelan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay dhowr jeer tijaabisay gantaallada riddada dheer taasi oo Mareykanka ka careysiisay.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa imika wacad ku maray in uu sii xoojin doono hormarinta hubka Niyukleerka.

Xiisadda ayaa hoos u dhacday markii Mr Trump uu ballan qaaday inuu xiriir shakhsi ah la yeelanayo Mr Kim.

Balse shirarkii aadka loo buun buuniyey, oo ay ku jireen shirarkii ka dhacay Singapore iyo Vietnam, ayaa lagu guul dareystay in laga gudbo kala duwanaanshaha hub ka dhigista iyo cunaqabateynta nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa hadda dunida kale ka go’doonsan marka loo eego xilliyadii hore. Xuduudaha dalkaas ayaa muddo ka badan sanad xirnaa sababo la xiriira Covid-19.

Ganacsiga ay la leeyihiin dalka ay xulafada weyn yihiin ee Shiinaha ayaa hoos u dhacay in ka badan 90% bilihii la soo dhaafay.

Madaxwaynahihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka.

Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye, Kim Jong-un, “Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.”

Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaallo iyada oo ku gacan sayrtay Qaramada Midoobay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom