telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaatay Tallaalka Ka Hortaga Cudurka Coronaha

Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka ka hortagga Karona

.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 kaas oo shaley la geeyay dalka.

Waxaana maanta Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Karona.

Sidoo kale waxaa tallaalka qaatay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar.

Soomaaliya waxaa shaley la geeyay ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 shacabka ku nool halkaas

“Mas’uuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey, muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” from Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi FarmaajoMadaxweynaha Soomaaliya
.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom