Hargeisa(Gaaroodinews)Dhalinyaradda Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Ayaa Kulan Ay Ku Taageerayaan Duqa Caasimadda Hargeysa Mudane Abdirahman Mohamoud Caydiid (Soltelco) Ku Qabtay Hotelka Sky Ee Magaalada Hargeisa
Dhalinyarada Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Ayaa Ugu Horayn Maayarka Caasimada Hargeisa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Uga Mahadnaqay Kulankan Ay Wada Yeesheen Waxaanay Maayarka Uga Mahadnaqeen Mudadii Uuhayay Xilka Maayarka Caasimada Hargeisa Waxqabadyada Baaxada Leh Ee Muuqda Ee Uu Kahirgaliyay Labadan Degmo Sidaasi Darteedna Rabitaanka Shacbiga Caasimadu Gaar Ahaan Labadan Degmo Uuyahay Inuu Marlabaad Isku Soo Taago Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyaga Oo Kudhiirigaliyay Inuu Marlabaad Uu Kursiga Maayarka Uukusoo Noqdo Si Waxqabadka Caasimada Uu Halkaasi Ugasii Wado
Dhalinyaraddan Ayaa Intaasi Kadib Lawadaagay Baahiyaha Labada Degmo-ba Maayarka Caasimadda Oo Haatan Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa
Maayarka Caasimada Hargeisa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Ayaa Isbarasho Kadib Dhalinyarada Labada Degmo Ee Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Uga Mahadnaqay Kulankan Ay Kusoo Casuumeen Waxaanuu Uga Warbixiyay Waxqabad Yadii Kala Gadisnaa Ee Uu Kafuliyay Caasimada Hargeisa Intii Uu Hayay Xilka Maayarka Caasimada Hargeisa Waxaanu Dhalinyarada Degmooyinkan Uga Mahadnaqay Taageerada Iyo Dhiirigalinta Ayla Garab Istaageen Waxaanu Dhalinyarada Ugu Baaqay Inay Reer Hargeisa Ahaan Maanta Qacmaha Isku Qabsadaan Sidii Caasimada Hargeisi Ay Ula Jaanqaadi Lahayd Caasimadaha Kale Ee Geeska Afrika
Dhalinyarada Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Ee Kulanka Laqaadatay Maayarka Caasimada Hargeisa Ayaa Si Wayn Usoo Dhaweysay Musharaxnimadda Marlabaad Ee Duqa Caasimadda Hargeysa Waxaanay Ilaahay Uga Baryeen Inuu Kuguuleeyo Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Inuu Marlabaad Noqdo Duqa Caasimada Hargeisa