telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Md Cali Ibraahim Baqdaadi Oo Kahadlay Kor Ukac Kuyimi Qiimaha Shilinka Somaliland Marka Labarbar Dhigo Doolarka Maraykanka

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Md Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa Kahadlay Kor Ukac Kuyimi Qiimaha Shilinka Somaliland Marka Labarbar Dhigo Doolarka Maraykanka

Md Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland  Ayaa Sharaxay Waxyaalaha Sababay Kor Ukaca Qiimaha Shilinka Somaliland Waxaanuu Sheegay In Ganacsatadda & Bulshadda Dalku Baahi Wayn Uqabeen Isticmaalka SLSH, Siiba Buu Yidhi Gudoomiyuhu Musharaxiinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Oo U baahday SHSL Si Ay Ugu Bixiyaan Cashuurta iyo Ololaha Ay Ku Jiraan

Dhanka kale Gudoomiye Baqdaadi Waxaa Uu Intaasi Kudaray In Baanka Dhexe ee JSL Isaga Oo Eegaya Maciishada Dadka Dakhligoodda Ku Hela Doollarka Maraykanka Waxaa Uu Sheegay In Baanka Dhexe Uu Ku Dadaalayo Inuu Qiimaha Halka Dollar Ku Soo Celiyo SLSH 8,500

Sidaa Daraadeed Waxaa Uu Gudoomiyuhu Uu Sheegay Inay waajibtahay Inaanu Qiima Dhaca Doolarku Saamayn Weyn Oo Taban Ku Yeelan Nolol Maal-meedkooda

Gudoomiyaha Oo Qoraal Uu Arintaasi Kaga Hadlaayo Soo Dhigay Barta Uu Facebooka Kuleeyahaya Ee Uu Bulshada Kala Xidhiidho Waxaa Uu Yidhi :- 

” KOR-UKAC KU YIMID QIIMAHA SHILLINKA JSL (O.2%).

Qiimaha SLSH ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18th March, 2021 kor-ukacay 0.2% marka la barbardhigo Doolarka Maraykanka (US $).

Shalay, qiimaha halka Doollar waxa uu ahaa SLSH 8,470, halka uu maanta qiimaha SHSL kor ugu kacay 8,450.

Waxa qiimo korodhkaa sababay baahi weyn oo Ganacsatadda & Bulshaddu u qabto isticmaalka SLSH, siiba musharaxiinta Golayaasha oo u baahday SHSL si ay ugu bixiyaan cashuurta iyo ololaha ay ku jiraan.

Balse, Baanka Dhexe ee JSL, isaga oo eegaya maciishada dadka dakhligoodda ku hela doollarka Maraykanka, waxaa uu Baanka Dhexe ku dadaalayaa inuu Qiimaha halka dollar ku soo celiyo SLSH 8,500.

Waxa xusid mudan in qayb wayn oo ka mid ah bulshada danyarta ah laga soo biiliyo Dibedda. Waxa kale oo jira dad tiro badan oo mushaharkoodda ku qaata doollar sidda shaqaallaha Meheraddaha Ganacsiga, Iskuuladda & Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay, Haay’adaha NGO’s iwm.

Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda.

Waxa waajib ah in la isku miisaamo taklifadda nolosha labadda dhinac ee dakhliga ku kala hela SLSH iyo Doollar.

Sidaa awgeed, yoolka Baanka Dhexe ee 2021 waa inuu qiimaha halka doollar ku hayo agagaarka SLSH 8,500, oo aanu u aragno inuu yahay Sicir Caadil ah ( Fair market rate ).

Wa billahi Tawfiq
Cali Ibraahim Jaamac
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ” Gudoomiye Baqdaadi 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom