telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaa Loogu Baahday Culimada Soomaalida Maraykanka?

Qaar ka mid ah imaamyada fagaaraha lagu talaalayQaar ka mid ah imaamyada fagaaraha lagu talaalay

Tan iyo markii la soo saaray dharka nooc ee tallaalka ah ee ka hortagga fayraska korona waxa Iyana soo baxay oo isa soo tarayey warar ku tidhi kuteen ah oo ay dadka shakiga geliya guud ahaan daawooyinka iyo gaar ahaan talaalku wadeen oo ah in ay khataro badani ku ladhan yihiin talaalladan soo baxay.

Waxa se shakigaa dad weynaha dunida oo dhan ku fiday uga sii daray waa in nooc ka mid ah talaalka soo baxay ay dhawr dal oo reer Yurub ah iyo weliba kuwo dunida saddexaad ahi sheegeen in uu keenay dhibaatooyin caafimaad oo ay ma huraan tahay in la hakiyo inta la hubsanayo in aan wax xidhiidhi ahi ka dhaxay dhibaatooyinkaa caafimaad iyo talaalkaas.

Nooca talaalka ee haatan laga sheegay dhibaatooyinka xadidani waa ka ay soo saatay Jaamacadda Oxford ee ay samayso shirkadda dawooyinka soo saarta ee AstraZeneca. Waxay wararku tibaaxayaan in dad waayeel ah oo talaalkaa qaatay dhiigoodu xinjiroobay, hase yeeshee aan arintaasi in talaalku keenay iyo in kale aan la hubin.

Hadaba arimahaas aan cadaymo saynisku xaqiijiyey loo hayn ayaa keenay in ay bulshooyin badani ka maagaan talaalka oo ay diidaan. Dadka talaalka ka shakiyey waxa ka mid ah jaaliyadaha ka soo jeeda dalalka dunida saddexaad ee ku nool wadamada reer Galbeedka oo Soomaalidu na ka mid tahay.

Hadaba dalka Maraykanka oo talaalka laga bilaabay ayaa wararka ka imanayaa tibaaxayaan in ay dadka qaarkood weli ka cago jiidayaan in ay talaalka qaataan.

Gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka waxa ku nool Soomaali badan, hadaba si bulshadaas looga saaro shakiga ay ka qabaan talaalka ayaa dawladdu waxay bilowday olole gaar ah oo dadka loogu muujinayo in aanu halis caafimaad lahay.

Waxa ololahaas iska kaashanaya dawladda iyo hogaamiyeyaasha bulshada oo ay ka mid yihiin kuwa diinta ee dadku badanaa kalsoonida buuxda ku qabaan.

Waxa goob fagaare ah oo warbaahintuna goob joog ka ahayd mar qudha lagu talaalay 16 imaam oo ka socday 12 masaajid oo gobolkaas ku yaal, ujeedaduna waa in dadka loo muujiyo in aanu talaalo wax halis caafimaad ah lahay. Iyo sidoo kale in meesha laga saaro wararqa ku tidhi ku teenta ah ee la faafiye ee ay ka midka yihiin in qofkii la talaalo tarantu ka xidhmayso.

Imaamyadaa fagaaraha lagu talaalay ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay inay tusaale u noqdaan bulshada oo ay tusaan in qaadashada talaalku aanay wax dhib ah u keenayn, maadaama oo iyagu ba hortooda ku qaadanayaan.Imaamyadii la talaalay midkoodImaamyadii la talaalay midkood

“Baahida waxa keenay waxaan la soconaa in gobolka Minnesota markaan joogno, dadyow fara badan oo cuqdo ka qaba talaalkii inay jiraan oo komuunitigeenu dadyowga ugu badan uu ka mid yahay si aan taa ula dagaalanno ayaa waxaan ka shaqaynaynay beryahan oo dhan inaan dadku dadka ay ixtiraamayaan ay culimadu ka mid yihiin, dhakhaatiirtu ka mid yihiin, neersinku ka mid yihiin in la talaalo.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah imaamka masaajidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis.

Imaamka oo ka jawaabayey su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd inuu faahfaahiyo habka ay isku abaabuleen iyo cidda ku dhalisay arintaasi ayaa waxa uu yidhi:

“Xaqiiqatay imaamyadu iyagaa isa soo abaabulay, iyaga ayaa yidhi mar hadaan inaan talaalkii qaadani aan ku qanacsanahay, si ay bulshadu uga faa’iidaysato waxaa fiican inaan si wada jir ah u qaadanno. Ka dibna markaan qaadanayno la duubo oon dadka la wadaagno arintaa waxa aad iyo aad nooga saaciday oo qayb weyn naga siiyey Cook Clinic iyo University of Minnesota qaybteeda research-ka ama cilmi-baaridda.”

Faadumo Xasan oo wax ku baratay Jaamacadda Minnesota kuna takhasustay cilmiga caafimaadka ayaa iyadna BBC-da u sheegtay in Jaamacaddu ay dadka ku dhiiri gelinayso inaan dheg jalaq loo siin dacaayadaha talaalka laga fidiyo.

“Jaamacaddu waa meel waxbarasho waana meel cilmi-baaris markaa waxay qaban qaabiyeen inay isku dayaan in warka beenta ah ee talaalka ku saabsan ee suuqa ku jira inay ka hortagaan.”

Dhanka kale Dr Bade Ducaale oo ka hawl gala xarunta caafimaad ee culimada lagu talaalay ee Cook Clinic ayaa BBC-da u sheegay in culimadu sameeyeen arin kor u qaadaysa in ay dadku talaalka qaataan, waxaanu intaa ku daray in bulsho markii hore diidanayd ay hadda yihiin kuwa ugu badan ee qaata.

“Way fiicantahay in qof adiga kuu eeg uu wax kuu sheego oo uu ku yidhaahdo waad u baahantahay talaal, waayo tusaale hadaan kuu soo qaato dadkan Native American-ka ah ee halkan degan marka hore way diidanaayeen, laakiin hada waxaa dhacay in dadkoogii loo diray. Maalin dhawayd waxaan ka akhriyayey joornaal in dadka ugu badan ee hadda la talaalaa yihiin dadkan Native American-ka ah. Markaa way u baahan yihiin culimada Soomaaliyeed halkan timaado Minneapolis degan inay dadkooga u sheegaan waayo waxay jecelyihiin dadku qof afkooga ku hadlaya”.

Waxa kale oo uu Dr Bade qabaa in dadka haatan talaalka diidani la mid yihiin dadkii diiday talaalka cudurka dabaysha kontomaadkii.

“Polio dadku maysan ogayn, laakiin se waxaa la ogaaday dadkii qaadan waayey ee wakhtigaasi diiday in maanta caruurtoodii ama maanta dad nooli ay curyaan noqdeen oo dadka qaar ay yidhaahdeen hadaan berigaa qaadan lahayn talaalka caruurtayadu curyaan ma noqoteen. Markaa tiiyoo kaleeto inaan ku celino maaha.” Ayuu yidhi Dr Bade.

Go’aankaa ay imaamyada masaajidada gobolka Minnesota qaateen ee ay fagaaraha isku talaaleen ayaa wararku tibaaxayaan in uu durba wax weyn ka bedelay aragtida bulshada oo shakigii ay dad badani qabeen meesha ka baxay.

Dhanka kale Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in aan wax caddayn ah oo sayniska ku salaysan aan loo haynin wax dhibaato caafimaadk ah oo ka dhalan karta talaalka AstraZeneca ee ka hortagga fayraska korona.

Dhankooda ayaa wadamada UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico ay iyaguna sheegeen in aanay joojinayn isticmaalka talaalkan oo ay sii wadayaan

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom