Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Kahadlay Waxkabadalka Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Xisbiyada Qaranka Ee Xeer No 14 Ee Ay Ufadhiyaan Mudanayaasha Golaha Wakiiladu
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Wuxuu Sheegay Inuu Xeerkaasu Uu Ahaa Midkamida Xeerarka Dib U Eegista Lagu Samaynaayay
Xeer No14 Oo Ah Xeerka Ay ku Aasaasan Yihiin Ururada Iyo Asxaabta Qaranku Ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Sheegay Inuu Ahaa Xeer Qabyo Ah Oo Kooban Isla Markaana Ayka Muuqato Dhaliil Farabadani Shaqadii Uu Qaban Lahaa Xeerkaasi
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Ayaa Kahadlay Muranka Dhanka Bada Ee Udhaxeeya Dawladaha Somalia Iyo Kenya
Xildhibaanku Waxaa Uusheegay Inaan Waxba Kagalin Danaha Somalia Hadii Laga qaadaayo Iyo Hadii Kaleba Somaliana Ay Tahay Dalkale Oo Aynaan isku Dano Ahayn
” Kenya Haday Badda Somalia Qaadanayso Waxba Igama Galin ” Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere
Daawo Muuqaalka Warkaas :-