telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Cabdikareem Xasan Cabdi Garas Oo Fariimo Isbarkan Udiray Bulshada Reer Somaliland Iyo Caasimada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Cabdikareem Xasan Cabdi Garas Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Wuxuu Fariin Udiray Bulshada Reer Somaliland Gaar Ahaan Caasimada Hargeisa Iyo Nawaaxigeeda Oo Uu Kasharaxan Yahay

Musharaxu Wuxuu Bulshada Ugu Baaqay Saddexda Cisho Ee Dhawaan Laqaban Doono Kaadh Qaadashada Inay Ka Faaiidaystaan Isla Markaana Maalmahaasi Ay Muhiim Uyihiin Muwaadin Ahaan Inay Kaqaybqaataan Doorashada Siiba Dadka Aan Qaadan Kaadhka Codbixinta Doorashada Somaliland Si Ay Codkooda Ugu Biiriyaan Musharaxa Ay Isleeyihiin Bulshada Ayuu Waxwayn Uqabandoonaa

Musharax Cabdikareem Garas Sidoo kale Wuxuu Fariin Wacyigalin Ah Udiray Bulshada Reer Somaliland Isaga Oo Uga Digay Khatarta Cudurka Corona Viruse Oo Maalmihii Udanbeeyay Kusoo Laba Kacleeyay Gudaha Somaliland

Musharaxu Wuxuu Ugu Baaqay Inay Raacaan Tilmaamaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland Isla Markaana Ay Xakameeyaan Fiditaanka Xanuunka Covid 19

Musharax Cabdikareem Garas Ayaa Kamid Ah Musharaxiinta Ugu Cadcad Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Taasoo Lafilaayo Inuu Kamid Noqon Doono Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom