telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Muxuu Sucuudigu Udoonayaa Doorkan In Uu Ula Heshiiyo Xuutiyiinta ?

Smoke billows from the site of Saudi-led air strikes in Sanaa, Yemen, on 7 March 2021Waxaa jiray duqaymo xagga cirka ah oo ay geystaan bahda sucuudigu hoggaaminayaa

Sacuudi Arabiya ayaa soo jeediyay qorshe nabadeed cusub oo lagu soo afjarayo ku dhowaad lix sano oo dagaal ka socday Yemen.Waxay soo jeedineyaan xabad joojin ay Qaramada Midoobay kormeerto oo u dhaxeysa dowladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo fallaagada Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran.Qorshaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in dib loo furo isku xidhkii muhiimka ahaa ee cirka iyo badda, iyo bilowga wadahadallada siyaasadeed.Fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in dalabku uusan u muuqan inuu meel fog gaadhayo si looga qaado xayiraadda hawada iyo badda ee saaran

Soo jeedinta waxaa caasimada Sucuudiga ee Riyaad kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan oo ugu yeedhayey Xuutiyiinta, kuwaas oo gacanta ku haya dhul balaaran oo Yemen ah in ay ka aqbalaan.Waxa uu sheegay in xabad joojinta ay dhaqan galayso isla marka ay Xuutiyiintu aqbalaan.Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa soo dhaweysay dalabkan, laakiin Xuutiyiinta ayaa sheegay in dadaalkaasi uusan wax cusub soo kordhinin, isla markaana ay ka gaabiyeen dalabkoodii ahaa in gabi ahaanba laga qaado xayiraada saaran garoonka diyaaradaha ee caasimada Sanca, iyo dekedda galbeed ee Xudeyda. “Waxaan fileynay in Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqi doonto dhamaadka xayiraadda dekedaha iyo garoomada diyaaradaha iyo qorshe lagu ogolaanayo 14 markab oo ay hayaan isbaheysigaasi,” madaxa wadahadalada Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.Kooxdu waxay sii wadi doontaa inay kala hadasho Sacuudiga, Mareykanka iyo dhexdhexaadiyahooda oo Cummaan ah heshiis nabadeed, ayuu yiri.

Yemen: Death by war or pandemic

Saraakiisha Sucuudiga waxay sheegeen inay talaabooyinkooda kala kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, kuwaas oo sidoo kale dardar galiyay dedaalkooda ku aaddan joojinta khilaaf kaas, oo abuuray dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun adduunka.Maalmo ka hor, Xuutiyiinta ayaa diiday qorshe Mareykanku uu ku doonayay xabad joojin dalka oo dhan ka dhacda.

line

Qorshahan nabadeed ayaa durba hirgelintiisu socotaa, iyada oo la isticmaalayo hab diblimaasiyad ahaan aammusan . Waxaana horkacaya Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden. Haddii dhaqdhaqaaqyadan cusubi shaqeyn waayaan, eedda waxaa iska lahaan doona markan Xuutiyiinta.

line

Qaar badan oo ka mid ah qorshayaashii nabadeed ee hore ee Yemen ayaa fashilmay, oo ay ka mid tahay xabad joojinta Sucuudiga ee sanadkii hore, ayay tiri madaxa warfaafinta caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet.Laakiin boqortooyada ayaa hadda bixinaysa waxoogaa tanaasul ah oo ay Xuutiyiintu muddo dheer codsamayeen, ayay raacisayWaxaa ka mid ah furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Sanca, oo hadda ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, in kasta oo xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ay maamulayaan hawada.Sacuudi Carabiya waxay ogtahay in soo afjarida khilaafkan ay mudnaanta siineyso Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, wariyaheena ayaa leh; Boqortooyada waxay sidoo kale dooneysaa inay fududeeyso culeyska xiriirka ay la leedahay Washington ee lala xiriirinayo dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.Haddii dhinacyada dagaallamaya ay ogolaadaan xabad joojinta, waxaa kormeeri lahaa UN-ka waxayna gacan ka geysan doontaa in gogol xaadh loo sameeyo wadahadallo nabadeed.

Colaaddan ayaa bilaabatay dabayaaqadii sanadkii 2014, markii fallaagadaasi ay la wareegeen inta badan galbeedka dalka waxaana isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dowladaha carabta ay bilaabeen hawlgal militari oo lagu soo celinayo xukunka madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.Riyaad waxay hogaaminaysay isbahaysi militari oo gudaha wadankaah sanadii 2015 si ay u taageeraan dawlada uu caalamku aqoonsan yahay, laakiin waxay la halgamaysay sidii ay uga saari lahayd fallaagada.Qiyaastii 20 milyan oo qof – saddex meelood labo meel dadka Yemen – waxay ku tiirsan yihiin gargaarka bani’aadamnimada. Ilaa laba milyan oo carruur ah ayaa nafaqo-xumo ba’an ay haysaa.Colaadaha ka sokow, Yemen waxay la kulantay inuu burburay nidaamkeedii caafimaad, taasoo ka dhigeysa inay awoodi weydo inay la tacaasho cudurka faafa ee coronavirus

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom