telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Dood :- Markii Ugu Horaysay Saaxada Siyaasada Somaliland Oo Musharaxiin Utartamaaya Doorashada Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanku Sitoosa Bulshada Uga Jawaabaan Suaalo Laxidhiidha Xilalka Ay Utartamayaan + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Madal Furan Oo Ayka Qaybgaleen Musharaxiinta Kala Ah Musharax Xuseen Ibraahim Askar Iyo Musharax Maxamed Jaamac Koodbuur Shiine Oo Ukala Sharaxan Doorashada Golaha  Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Golaha Wakiilada Somaliland Madashan Oo Lagu Casuumay Qaarkamida Shacabka Magaalada Hargeisa Ayaa Labadan Musharax Waxay kusoo Bandhigeen Hadafkooda Siyaasiga Ah Iyo Waxqabadka Ay Isleeyihiin Hirgaliya Haday Ku Guulaystaan Kuraasta Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland

Hadaba Labada Musharax Oo Khudbado Aykusoo Bandhigayaan Waxqabadkooda Kadib Waxaa Bulshadii Kasoo Qaybgashay Madashan Ay Suaalo Laxidhiidha Shaqada Ay Bulshada Uqabandoonaan Waxay Waydiiyee Musharaxiinta  Waxaanay Halkaas Si Farshaxanimo Waayo Aragnimo Iyo Aqooniba Kudheehantahay Aykaga Jawaabeen Suaalihii Dadwaynahu Waydiiyeen

Waxaana Xusid Mudan Inay Tahay Markii Ugu Horaysay Ee Musharaxiin Utaagan Doorashada Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Dalka Ka dhici Doontaa Ay Sitoosa Bulshada Uhoryimaadaan Ugana Jawaabaan Suaalahooda

Hadaba Halkan Hoose Kadaawo Barnaamujka Oo Dhamaystiran :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom