telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Doorashada Golaha Deegaanka Ayaa Afsaab Uqaybiyay Dadka Ku Ganacsada Qaarkimada Sariibadaha Caasimada Hargeisa Oo Uu Kormeer Kutagay + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Xildhibaan Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Waxaa Uu Kormeer Kutagay Qaarkamida Sariibadaha Caasimada Hargeisa

Musharaxa Oo Ukuurgalaayay Xaalada Ayku Suganyihiin Dadka Kuganacsada Sariibadaha Waaheen Masalaha Maxamed Mooge Iyo Suuqyo Kale Oo Badan Kaasoo Dadwaynihii Kusugnaa Goobahaasi Aysi Wayn Usoo Dhaweeyeen

Musharaxa Ayaa Dadwaynaha Kawacyigaliyay Khatarta Cudurka Corona Viruses Ee Dalkeena Kusoo Laba Kacleeyay Isla Markaana Waxaa Uu Uqaybiyay Mask Face Ama Afsaab Uu Ugu Talogalay Inaykaga Gaashaantaan Xanuunka

Siciid Cabdisamed  Ahmed (Siciid Cudhay) Waxaa Uu Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Bulshada Kuganacsada Sariibadahan Aysoo Gaadhsiiso Agabada Lagaga Gaashaanto Xanuunka Covid 19 Maadaama Ay Dadkani Yihiin Dad Jilicsan Oo Ubadan Dad Waayeel Ah Isla Markaana Ay Yihiin Suuqa Cashuurta Ugu Badan Bixiya Loona Baahan Yahay In Cashuurtooda Waxlagaga Celiyo

Musharaxu Waxaa Uu Ganacsatadii Uula Kulmay Kubaraarujiyay Inay Dalka Kusoo Fool Leedahay Doorasho Maalinta 31 May Isla Markaana Ay Ubaahanyihiin Cid Kajawaabta Cabashadooda Waxaanuu Kacodsaday Inay Codkooda Labarbar Istaagaan Fartoodana Ugu Hiiliyaan Isaguna Uu Yahay Musharaxooda Rasmiga Ah Oo La Dareen Ah

Gabagabadiina Waxaa Uu Kula Dardaarmay Inay Caafimaadkooda Ilaaliyaan

Dhankoodana Iyaguna Waxaa Halkaasi Kahadlay Qaarkamida Ganacsatada Suuqa Waaheen Iyaga Oo Xusay In Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed Siciid Cudhay Uu Yahay Musharaxii Ugu Horeeyay Ee Soo Booqda Sariibadaha Kana Wacyigaliya Khatarta Xanuunka Coronaha Isla Markaana Uqaybiya Bulshada Afsaab Aykaga Gaashaamanayaan Xanuunka Covid 19 Waxaanay Musharaxa Uga Mahadnaqeen Sida Fiican Ee Uu Uga Warhayo Ee Uu Ula Dareenka Yahay Bulshadiisa Waxaanay Musharaxa Ilaahay Uga Baryeen Inuu Ilaahay Ku Guuleeyo Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyaguna Sidaa Uu Imika Ugu Hiiliyay Ay Iyaguna Ugu Hiililin Doonaan Codkooda

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom