telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Deg+Deg:- Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Laga Hor Istaagay Inay Xabsiga Kubooqdaan Musharax Shucayb Maxamed Muuse

Hargeisa(Gaaroodinews)Habeenimadii Xalay Ahayd Ayaa Ciidamada Policeka Somaliland Waxay Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargeisa Kuxidheen Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha Imikana Ah Masuul Katirsan Xisbiga Ucid  Musharax Shucayb Maxamed Muuse Ilaa Iyo Hadana Masuuliyiinta Ciidanka Policeka Somaliland Kamay Hadal Sababta Keentay Xadhiga Musharax Shucayb Maxamed Muuse

Balse Musharax Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Dhawaan Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Doonayso Inay Fashiliso Qorshihiisa Musharaxnimo Arintaas Oo Uu Tilmaamay Inaany Xukuumada Usuurtagali Doonin

Hadaba Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Md Yuusuf Kayse Cabdilaahi Ayaa Sheegay In Laga Hor Istaagay Inay Xabsiga Kubooqdaan Musharax Shucayb Maxamed Muuse

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom