telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Mohamed Khadar Daahir Iyo Musharax Cabdikareen Xasan Cabdi Garas Oo Kormeer Kutagay Sariibada Qudhac Dheer Ee Magaalada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Mohamed Khadar Daahir Iyo Musharax Cabdikareen Xasan Cabdi Garas Oo Ah laba Musharax Oo Utartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Golaha Wakiilada Isla Markaana Kasharaxan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Ayaa Waxay Socdaal Kormeer Ah Kutageen Sariibada Qudhac Dheer Ee Magaalada Hargeisa

Labada Musharax Ayaa Kormeerkoodu Wuxuu Daaranaa Sidii Ay Ugu Kuurgali Lahaayeen Xaalada Dadwaynaha Kuganacsada Sariibada Qudhac Dheer Iyo Sidii Ay Uga Wacyigali lahaayeen Khatarka Cudurka Covid 19 Oo Maalmihii Udanbeeyay Kusoo Laba Kacleeyay Gudaha Somaliland

Labada Musharax Oo Dadwaynaha Kuganacsada Sariibada Qudhac Dheer Ee Magaalada Hargeisa Ay Siwayn Usoo Dhaweeyeen Ayaa Ugu Horayn Waxaa Hadal Mahadnaq Ah Ujeediyay Dadwaynahaasi Musharax Maxamed Khadar Daahir  Oo Ah Musharax Utaagan Doorashada Golaha Wakiilada  Kaasoo Ugu Horayn Uga Mahadnaqay Soo Dhawaynta  Balaadhan Ee Ay Usameeyeen Bulshadu Waxaanu Sheegay Inay Cadeeyeen Ganacsatada Reer Qudhac Dheer Inay Taageero Buuxda Ay Uhayaan Labadooda Musharax

Musharax Mohamed Khadar Daahir Waxaa Uu Kaloo Uusheegay In Sariibada Qudhac Dheer Ay Aad Udayacan Tahay Isla Markaana Loo Baahanyahay In Dayaca Laga Dulqaado Waxna Loo Qabto Bulshada Kuganacsata Suuqan Si Sariibada Qudhac Dheer Ay Unoqoto Sariibad Wayn Oo Caalami Ah Oo Dadwaynaha Xaafada Iyo Dhamaan Reer Somaliland Oodhamina Ay Usoo Adeegsi Tagaan Si Hadaba Taa Loo Helo Musharax Mohamed Khadar Daahir Waxaa Uu Ganacsatada Kuganacsada Sariibada Qudhac Dheer Kacodsaday Inay Codkooda Ugu Deeqaan Iyaguna Ay Si Hagar la’aana Ugu Adeegi Doonaan

Dhankiisa Isagana Musharax Cabdikareem Xasan Cabdi Garas Oo Musharax Utaagan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Oo Isna Madashaasi Kahadlay Ayaa Ugu Horayn Umuujiyay Dareenkisa Ah Sida Uu Ugu Farxsan Yahay soo dhawaynta Balaadhan Ee Ay Iskugusoo Baxeen Ganacsatada Sariibada Qudhac Dheer Waxaanu Intaa Kudaray Inay Maanka Kuhayn Doonaan Taageerada Baaxada Leh Ee Ay Umuujiyeen Isla Markaana Marka Ay Kuguulaystaan Kuraasta Ay Utartamayaan Ay Iyaguna Ugu Abaal Gudi Doonaan Inay Umuujiyaan Waxqabad Baaxad leh Oo Lataaban Karo

Musharax Cabdikareem Garas Waxaa kale Oo Uu Sheegay Inuu Kormeerkoodu Daaranyahay Sidii Ay Xogogaal Ugu Noqon Lahaayeen Baahiyaha Ay Qabaan Ganacsatada Waayeelka Ubadan Ee Kuganacsada Sariibada Qudhac Dheer Waxaanu Ubalanqaaday Inuu Laraadin Doono Xuquuqaha Kamaqan Sariibada Qudhac Dheer Isla Markaana Ay Udhisi Doonaan Dhismeyaal Ayka Galaan Milicda Oo Ayku Ganacsadaan

Gabagabadiina Musharax Cabdikareem Garas Waxaa Uu Kawacyigaliyay Bulshada Kuganacsata Sariibada Qudhac Dheer Khatarta Cudurka Corona Viruse Kaasoo Ugu Baaqay Inay Ilaaliyaan Nadaafada Iyo Fayo Dhawrka Nafahooda Iyo Bulshadoodaba

Ganacsatada Kuganacsada Sariibada Qudhac Dheer Iyo Dadwayne Kale Oo Soo Dhaweeyay Labada Musharax Ayaa Ugu Horayn Iyaguna Dhankooda Labada Musharax Uga Mahadnaqay Soo Booqashada Ay Soo Booqdeen Waxaanay Haday Yihiin Reer Qudhac Dheer Ubalanqaadeen Inay Taageeradooda Labarbar Istaagi Doonaan

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom