telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Fasaxay Isticmaalka Lacagta 50$ Dollaar Oo Dhawaan Lahakiyay + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews)Gudoomiyaha  Baanka Dhexe Ee Somaliland Md Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa Wareegto Uu Soo Saaray Maanta Waxaa Uu Ku Fasaxay Isticmaalka Lacagta 50$ Dollaar Oo Dhawaan Uu Baanka Dhexe Ee Somaliland Uu Hakiyay

Gudoomiye Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa Waxaa Uu Wareegtada Uu Soo Saaray Ku Sheegay In Xog Ururin Iyo Xog Waran Ayka Heleen Haayadaha Maaliyadeed Ee Waawayn Ee Dalka Kahawl Gala Ay Sheegeen Inay Dalka Keeneen Mishiino Casri Ah Oo Lagu Ogaan Karo Lacagta Macmalka Ah Sidaa Awgeed Maamul Banki Ahaan Ay Ogaysiinayaan Baananka Sariflayaasha , Haayadaha Maaliyadeed Iyo Guud Ahaan Bulsho Waynta Reer Somaliland Inuu Baanka Dhexe Ee Somaliland Uu Ogaysiinaayo Inuu Fasaxay Isticmaalka Noodhadhka $50 Dollar Ee Aan Been Abuurka Ahayn

Dhanka kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxaa Uusheegay Inay Bulshada Kuwargilanayaan In Baanka Dhexe Ee Somaliland Uu Masuulka Yahay Daabacaada , Kaydinta,Daryeelka Wareejinta Iyo Bedelka Shilinka Somaliland Oo Qudha Balse Aanu Masuulka Ahayn Bedelaada Dolaarka Maraykanka Iyo Lacagaha Qalaad Ee Kale

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom