telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Murashax Maxamed Cabdi Haariye ( Hariye Bulaale ) Oo 10 Booyadood Oo Biyo ah Gaadhsiiyey Tuulooyin Hoos Yimaada Degmada Sallaxley + Sawiro

Murashax Maxamed Cabdi Haariye ( Hariye Bulaale ) Oo 10 Booyadood Oo Biyo ah Gaadhsiiyey Tuulooyin Degmada Sallaxley Hoos Yimaada

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Maxamed Cabdi Hariye oo ka mida Murashaxiinta Doorashadda Golaha Deegaanka ee Degmadda Sallaxley’ ayaa 10 Booyadood oo Biyo ah gaadhsiiyey una Qaybiyey Shacabka Ku Dhaqan qaar ka mida Tuulooyinka hoos yimaada Degmadda Sallaxley ee Abaarta Biyo iyo Baad La’aanta ahi ku dhufatay.

Murashax Eng. Maxamed Cabdi Haariye o uu Weheliyo Xildhibaan Mawliid Rooble oo Kamid ah Xubnaha Xildhibaanada Degmada Salaxlay ee mudo Xileedkoodu sii dhamaanayo’ ayaa Deeqda Biyaha oo 10 Boyadood dhamaa waxa uu Murashax Haariye gaadhsiiyey Tuuloyinka Sallaxley hoos yimaada oo Kala ah Tuulooyinka :-

Qool Bulale
Lanqayrta Celiyo
Ina igaa Re
Barca Duuray
Baligaa Cabdi

Intaasi Kadib Musharaxa Iyo Waftigiisu Waxay Gadheen Magalada Rabaso Taasi oo ay u kuur Galayeen Siday Tahay Xalada Nololeed Ee magaladasi iyada oo ay abaro kajiraan Dalka

Dhinaca kale Murashax Haariye ayaa Safarkiisa Biyaha uu halkaasi gaadhsiiyey dadka Abaaruhu hayaan waxa uu sido Kale shacabka deegaanadda uu safarkiisa ku soo maray siiyey Wacyi-Galin Ku Saabsan sidii Kaadhka Codbixinta oo Sallaxley iyo guud ahaan Gobolka Maroodi Jeex ka bilaabmi doonta 30/3/2021ka oo uu ku Booriyey inay shacabka deegaanadaasi ku dhaqani u diyaar garoobaan sidii ay Kaadhadhkooda Codbixinta uga qaadan lahaayeen goobihii ay hore iskaga diwaangaliyeen

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom