telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarka Jidadka Somaliland Oo Kormeer Ku Kutagay Dhismaha Marinka Berbera ( Berbera Corridor) Iyo Dhismaha Biriijyada Dacar Budhuq, Aw barkhadle, iyo Abdaal +Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md Sayid Omar Abdilahi Oo Ay Wehelinayaan Madax kale oo ka Tirsan Xafiiska Gudida Berbera Corridor iyo Agaasimaha Maamulka Hayada Wadooyinka Somaliland Ayaa Waxaa Uu Kormeer Ku Kutagay Dhismaha Marinka Berbera ( Berbera Corridor)
Iyo dhismaha Biriijyada kala Ah Dacar Budhuq, Aw barkhadle, iyo Abdaal oo si Habsami Leh Usocda.
Qorshaha mashruucani Ayaa Lafilayaa in la Dhamaystiro Bilawga Sanadka 2022.

Hadaba Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md Sayid Omar Abdilahi Oo Bartiisa Uu Kuleeyahay Facebook Ee Uu Bulshada Kala Xidhiidho Kaga Warbixiyay Ujeedada Kormeerka Uuku Tagay Dhismaha Marinka Berbera ( Berbera Corridor)
Iyo Dhismaha Biriijyada Kala Ah Dacar Budhuq, Aw barkhadle, iyo Abdaal

Waxaanu Yidhi :-

“Dhismaha Marinka Berbera ( Berbera Corridor)
iyo dhismaha Biriijyada kala ah Dacar Budhuq, Aw barkhadle, iyo Abdaal oo si habsami leh u socda ayaan soo kormeernay, anaga oo ku rajo wayn in sidii qorshuhu ahaa lagu dhamaystiro horaanta kal dambe March 2022.

Waxaa kormeerka igu wehelinayay, saraakiisha Gudida Berbera Corridor, agaasimaayasha Hayada RDA qaar ka mid ah, iyo Injineerada hawshaas gacanta ku haya ” Agaasime Omar Sayid

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom