telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Uganda + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews)Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , guddoomiye ku xigeenka 3aad Ee Xisbiga Ucid Saed Omar (Saciid Ucid) iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Hibaq Ali Maydhalaalis Ayaa Maanta kulan la qaatay wafti ka socda dalka Uganda iyo la taliyaha sare ee Madaxweynaha Congo waxaanay ka wada hadleen sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Midowga Afrika uu gacan uga geysan lahaa in Somaliland aqoonsiga buuxa ka hesho Midowga Afrika.

Weftigu waxa kale oo ay booqdeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici si ay u arkaan in Xukuumadda iyo xisbiga mucaaradka ah ee Xisbiga Ucid ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan Raacddada aqoonsiga Somaliland ee Midowga Afrika.

 

Hargeisa/Office

Www.gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom