Hargeisa(Gaaroodinews) Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Ahna Murashax U Taagan Doorashada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodijeex Md Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Ayaa Soo Kormeeray Sida Ay Kaadh Qaadashadu Uga Socoto Goobaha Kaadh Qaadashada Ee Degmooyinka Hargaysa Iyo Deegaanno Hoos Yimaada Gobolka Maroodijeex Kuwaasoo Maalmihii Udanbeeyay Ayka Socotay Hanaanka Kaadh Qaadashadu
Musharaxu Waxaa Uu Socdaalkiisa Kutagay Ilaa Deegaanka Rabaso Isla Markaana Waxaa Uu Lakulmay Bulshada Deegaanka Xadka Kabaxsan Kudhaqan Kuwaasoo Uu Kuwacyigaliyay Qaadashada Kaadhka Cobixinta
Deegaannada uu maray Murashaxu, ayaa waxaa kamid ahaa:-Toon, Qoolcaday, Sallaxley, Ina Guuxa, Lanqayrta Celiyo, Qoolbuulalle.
Sidoo kale, Murashaxu wuxuu u socdaalay Deegannada Dawladda Deegaanka Somalida Sida, Burco-duuray, Balliga Cabdi, Celiyo iyo Deegaanka Rabaso si uu u soo abaabulo bulshada ku dhaqan Deeganadaas oo ay uga qeyb-qaataan kaadh qaadashada.
Ujeeddada socdaalkan ayaa ahaa, Kormeeridda goobaha kaadh-qaadashada, Wacyigalinta Bulshada iyo Abaabulka shacabka Labada Deegaan.
Murashaxa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Sallaxley iyo Deegaannada kale.
Ugu dambayn, Murashaxu wuxuu booqday Xabaashii Marxuum Ibraahim Koodbuur Iyo Mujaahid Lixle oo ku aasan Deegaanka Rabaso, waxaanu rabbi u waydiiyay naxariistiisa janno.
Daawo Muuqaalka Warkaas :-