telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Qaarkamida Deegaanado Hoos Yimaada Caasimada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Waxaa Uu Deeq Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaanado Hoos Yimaada Caasimada Hargeisa

Deegaanadan Uu Musharaxu Uu Gaadhsiiyay Deeqda Biyaha Ah Ayaa Ah Deegaano Ay Siwayn Usaamaysay Biyo La’aan Balaadhan Oo Kajirtay Mudooyinkii Udanbeeyay Waxaana Kamid Ah Deegaanadaasi Deegaanka Maydh Yaal Maygaagta Xadhigxadhig Iyo Xaafada Digaale Ee Magaalada Hargeisa

Dadwaynaha Kudhaqan Deegaanada Uu Musharaxu Uu Gaadhsiiyay Deeqda Biyaha Ah Ayaa Uga Mahadnaqay Taageerada Uu Musharaxu Uu Marwalba Labarbar Taaganyahay Iyo Inuu Musharaxu Uu Ladareenyahay Bulshadiisa Ay Saamaysay Biyo La’aantu Waxaanay Musharaxa Ilaahay Uga Baryeen Inuu Doorashada Kuguuleeyo Waxaanay Ubalanqaadeen Inay Codkooda Labarbar Istaagi Doonaan Maalinta Doorashada

Dadwaynaha Xaafada Digaale Ayaa Mahadbaq Kadib Musharaxa Usoo Bandhigay Baahiyo Ay Qabto Xaafadaasi Taasoo Uu Xildhibaanku Uga Balanqaaday Inuu Sida Ugu Dhaqsaha Badan Uga Jawaabi Doono Baahiyahooda Markuu Kuguulaysto Doorashada

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed Siciid Cudhay Ayaa Bulshada Uusoo Maray Isla Markaana Uugaadhsiiyay Deeqda Biyaha Ah Uu Marka Hore Usoo Bandhigay Deeqdan Biyaha Ah In Aanuu Codkaga Doonayn Balse U Bulshadiisa Udamqaday Oo Uu Ladareenyahay Waxaanu Ubalanqaaday Inuu Waxwayn Kala qabandoono Baahiyaha Ay Bulshooyinkaasi Qabaan “Waxaad Noogu Hiilin Kartaan Codkiina Si Aad Qaranka Waxaad Xaqa Uleedihiin Idiinku Hiilino ” Musharax Siciid Cudhay

Dhanka Kale Musharax Siciid Cabdisamed Ayaa Bulshada Kuwacyigaliyay Qaadashada Kaadhka Cidbixinta Doorashada Somaliland Oo Maalintii Shalay Ahayd Kabilaabantay Dalka

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom