telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharaxiinta Xuseen Ibraahim Askar Iyo Maxamed Jaamac Koodbuur (Shiine) Oo Xafiisyo Cusub Kadaahfuray Magaalada Hargeisa + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Xuseen Ibraahim Askar Iyo Musharax Maxamed Jaamac Koodbuur Shiine Oo Kamid Ah Musharaxiin Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka iyo Wakiilada Isla Markaana Kasharaxan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Ayaa Waxay Magaalada Hargeisa Kadaahfureen 10 Xafiis Oo Ay Yeelan Doonaan Labadan Musharax

Xafiisyadan Oo Bulshada Taageerayaasha U Ah Labadan Musharax Ay Iskood Isku Xilqaameen Isla Markaana Ay Ufurteen Si Ay Ugu Ololeeyaan Labadan Musharax Taageeradoodana Ay Ugu Muujiyaan

Musharax Xuseen Ibraahim Askar Oo Ah Musharax Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Bartiisa Uu Bulshada Kala Xidhiidho Ee Facebookga Qoraal Uusoo Dhigay Kaga Warbixiyay Xafiis Yadan Cusub Ee Ayka Fureen Gudaha Caasimada Hargeisa Isla Markaana Waxaa Uu Musharaxu Umahadnaqay Taageerayaashooda Iyagu Isku Xilqaamay Ee Xafiisyada Loo Furay Waxaanuu Yidhi :-

” Ilaahay Mahaddii waxaanu xadhiga ka jarnay 10 xafiis oo ku yaalla xaafadaha Migaaladda hargaysa oo laga howl geli doono xiliga doorashadda.

Waxaan halkan ugu mahad naqayaa dadka iskood isu abaabulay ee xafiisyadaas soo furay. Waxaa ii muuqda guul horaanteed insha allah. Ilaahay xanuunka iyo abaaraha ha inaga dulqaado idimka alle ”  Musharax Xuseen askar.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom