telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Ardaaga Baha Dhamal Ee Beesha Ciidagale Oo Sheegay Inay Uriyaaqeen Musharax Siciid Cabdisamed (Siciid Cudhay) Kuna dhawaaqay Inay Codkooda Siinayaan Musharaxa Maadaama Ardaaga Baha Dhamal Aanay Lahayn Musharax Kumatalaaya Golaha Deegaanka + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Ardaaga Baha Dhamal Ee Beesha Ciidagale Ay Musharaxoodii Golaha Baarlamaanka Kusoo Bandhigayeen Isla Markaana Musharaxoodi Kuwareejiyeen Xisbi Mucaaradka Ah Ee Ucid

Madasha  Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Cuqaasha Iyo Waxgaradka Ardaaga Baha Dhamal Iyo Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed  (Siciid Cudhay) Iyo MartiSharaf Kale

Cuqaasha Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Ardaaga Baha Dhamal Ee Beesha Ciidagale Ayaa Waxay Sheegeen Inay Uriyaaqeen Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyaga Oo Kudhawaaqay Inay Beel Ahaan Codkooda Siinayaan Kuna Biirinayaan Musharax Siciid Cudhay Maadaama Ardaaga Baha Dhamal Aanay Lahayn Musharax Kumatalaaya Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Isla Markaana Musharaxooda Golaha Baarlamaanka Iyo Musharax Siciid Cudhayna Ay Isku Xisbi Kasharaxanyihiin

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Madasha Goob Joog ku Ahaa Ayaa Uga Mahadnaqay Ardaaga Baha Dhamal Sida Kalgacaltooyada Iyo Tolnimadu Kujirto Ee Ay Ardaaga Baha Dhamal Ugu Biiriyeen Codkooda Iyo Taageeradoodaba Waxaanu Sheegay Inuu Sixilkasnimo Leh Uu Ugu Matali Doono Labada Ardaa Ee CabdiCiise Iyo Baha Dhamal Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Doorashadaba

” Ardaaga BAHA-DHAMAL, waxaan ka Codsanayaa Inay Codkooda Iigu Hiiliyaan, Madaama Oo Aanay Cidi Usharaxnayn Golaha Deegaanka…… ” Siciid Cudha

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom