telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Cuqaasha Iyo Madaxdhaqameedka Midkamida Beelaha Somaliland Oo Taageeray Musharax Sidiiq Xasan Cali Kaahin Oo Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Qaarkamida Odayaasha Waxgaradka Iyo Madaxdhaqameedka Beesha Xirsi Cismaan Oo Kamid Ah Beelaha Somaliland Isla Markaana Dega Gobolada Maroodijeex Iyo Togdheer Ayaa Kulan Ayku Yeesheen Maanta Magaalada Hargeisa Ayaa Waxay Taageero Mug Iyo Miisaanleh Umuujiyeen Murashax Sidiiq Xasan Cali Kaahin Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Isla Markaana Kasharaxan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid

Odayaashan Iyo Waxgaradka Beesha Xirsi Cismaan Waxay Baaq Udireen Masuuliyiinta Sarsare Ee Xisbiga Ucid Kuwaasoo Usoo Jeediyay Inay Beel Ahaan Ay Isku Raaceen In Musharaxa Golaha Deegaanka Kumatali Doona Uu Yahay Sidiiq Xasan Cali Khayre Cidkale Oo Kula Tartamaysa Kursiga Golaha Deegaankana Aanay Jirin

Dhanka Kale Odayaasha Iyo Waxgaradkani Waxay Iska Fogeeyeen Inaanay Beeshoodu Diyaar U Ahayn Inaysoo Saaraan Musharax Kale Oo Beeshooda Matala Oo Usharaxan Kursiga Doorashada Wakiilada  Waxaanay Sheegeen In Musharaxooda Qudha Uuyahay Doorashada Golaha Deegaanka Ee Caasimada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom