telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

“Covid-kii igu dhacay ayaa sababay inaan siysaadda iyo caafimaadkaba ka fariisto”

Dr Maxamed Cabdi Gabboose

Dr Maxamed Cabdi Gabboose

Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo ka mid ah dhakhaatiirta mudada dheer ku soo jiray howlaha caafimaadka iyo siyaasaddaba ayaa sheegay in labadaasba uu ka fariistay.

Arrintaas ayuu sheegay in bilihii ugu dambeeyay uu ka fekarayay, hasayeeshee ay soo dadajisay markii dhawaantan uu ku dhacay cudurka Covid-19, markaas oo uu naftiisa ku kali yeelay in la joogo waqtigii uu dhanka samafalka u wareegi lahaa.

Dakhtarku waxa uu sheegay in ku dhawaad nus qarni uu ku soo jiray siyaasadda iyo caafimaadka, xilal kala duwanna uu soo qabtay haatan ay tahay in samafalka uu xoogga saaro, gaar ahaan gayiga Soomaalida.

“Markii xanuunkaasi fayraska korona uu u haleelay ayaan dib isu waydiiyay halka aan nolosha ka maraayo iyo waxa shakhsiyan ii qabsoomay, markaas ayaan haddaba naftayda ku kaliyeelay inaan dhanka samafalka u wareego,” ayuu yiri Dr Gabboose

Samafalka iyo Soomaalida

Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo ku takhasusay cudurrada faafa, ayaa waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta caanka ah ee muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa la dagaalanka fayraska korona, ayaa sheegay inuu joojiyay howlihii kale ee uu qaban jiray.

Waxa uu sheegay in Isbitaalka Haldoor ee uu magaalada Hargeysa ka dhisay sidiisii u sii shaqeyn doono hasayeeshee uu isagu dhinaca samafalka uun u banbixi doono.Dr Maxamed Cabdi Gabboose

“Tii hore waxa ay aheyd dhakhtar qol fariisanaya oo qofka lacag waydiinaya oo lacagtaas ama qalab ku soo iibsanaya ama noloshiisa ku dabbaraya, balse tan hadda aan ku fakarayaa waxa weeye inaan hay’ad khayri ah sameeyo,”

“Wax allaale iyo wixii aan is iraahdo waxbaad tari kartaa ayaan qabanayaa mana ku ekaan doono Somaliland, sababtoo ah anigu waxaan ahay oday Soomaaliyeed, dhiigaygu waa Soomaali, fakarkagu waa Soomaali, jiritaankaygu waa Soomaali, qabwayn baan ku ahay Soomaalinimada.” Ayuu sii raaciyay Dr Gabboose.

Ditoorka waxa uu sheegay in caafimaadka kaliya uusan samafalkiisa ku ekaan doonin ee dhinacwalba uu eegi doono, carruurtiisa oo shaqeystayna ay hay’addaas khayriga ah maalgelin doonaan.

“Ilaahay baan la kaashanayaa, ficilkan aan ku xirnayn inaan siyaasad ka helayo, aan ku xirnayn inaan lacag ka helayo, aan ku xirnayn inaan magac ka helayo, wax allaale iyo wax aan ka raadinayo aanay jirin wajiga Ilaahay ku dhawow dad baad joogtaa mooyaane.”

Siyaasaddii codaynta waan isdaynay

Dr Gabboose waxaa uu ku dhashay miyiga xadka dalka Itoobiya uu la wadaago Soomaaliland. Wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu sidoo kale wax ku bartay.

Dr Gabboose ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Dhowr jeer oo hore ayuu ku hamiyay inuu qabto xilka madaxtinimada ee Somaliland, hasayeeshee nidaamka saddexda xisbi ayuu ku haray, halkaas oo dadka qaar ay sheegeen in siyaasadda uu dhakhtarka ka fariistay ay tahay samir tacaabo waayay.Dr Maxamed Cabdi Gabboose

“Dareenkaygu waxaan isku tirinayaa malahayga inaan ahay shakhsiga maanta nool ee umadda Soomaaliyeed ugu magaca dheer siyaasadda. 1979-kii ayaan ahaa dakhtarkii Maxamed Siyaad Barre, wasiir ku xigeenkii caafimaadka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenkii dalxiiska ayaan soo noqday, golihii dhexe ee jabhaddaan ahaa, wasiirkii arrimaha gudaha ee Cigaal ayaan ahaa, wasiirkii arrimaha gudaha ee Siilaanyo ayaan ahaa [ee Somaliland], marka taxanahaas dheer jaamacaddaas aan marayay hoggaan I qanciyo maanan helin.”

Waxa uu sheegay in madaxtinimada uu Allaah bixiyo oo cidda uu rabo ayuu siiyaa “marka waxaan iska aaminay in ciladdu aanan anigu ahayn laakiin qadarka Ilaahay ayey ku xiran tahay.”

Dr Gabboose ayaa intaas ku daray inuu isaga haray siyaasaddii codbixinta “Sidaas owgeed baan anigu is iri madaxweynenimadaas aad raadinaysid, madaxweyne samafalka meel fog ka gaara baa malaha kaaga khayr badan.”

Caafimaadka meeshii aan rabay kama gaarin

Dr Maxamed Cabdi Gabboose, markii uu jaamacadda caafimaadka kaga baxay magaalada Muqdisho kadib waxaa uu fursad waxbarasho ka helay wadamo dibadda ah halkaas uu ka sameyay saddex takhasus oo kala ah xanuunada ku dhaca neerfaha, tropical medicine, xanuunnada faafa iyo habka loo maamulo caafimaadka ama loo xakameeyo.

Dakhtarku tan iyo sanadkii 1987-kii waxaa uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka, isaga oo dowladii dhexe ee Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, ka soo noqday wasiir ku xigeenkii caafimaadka waxaana intaa u sii dheeraa in xanuunada faafa uu u qaabilsanaa dowladda.Dr Maxamed Cabdi Gabboose

Magaalada Hargeysa ayuu markii dambe ka furay isbitaal wayn oo dad badan lagu dabiibay, halkaas oo saldhug u aheyd illaa uu howlahaas uu howlgab ka noqday.

Dakhtarku waxa uu sheegay in hamigiisii caafimaadka uusan gaarin, maadaama buu yiri madaxda dalka hogaamisaa aanay ka shaqeyn siyaasadihii horumarka lagu gaari lahaa ee nin walba markii uu kursiga tago uu naftiisa uun sidii uu wax ugu heli lahaa uu ka shaqeeyo.

“Ciddii dejin laheyd siyaasadihii lagu shaqeyn lahaa ayaananba jirin oo howshoodii gabtay, marka dhakhtarka, injineerka biyaha iyo shakhsikalaba hammigooda kama guul gaari karaan ileen bii’adii ayaa sidaas noqotayee.”

“Waxaanse ku qanacsanahay inaan intii awoodayda ah u soo shaqeeyay umaddayda, markastase waxaa muhiim ah in hoggaan wanaagsan la helo taas oo aan Allaah ka baryayo si horumar la taaban karo loo gaaro.” Ayuu yiri Dr. Gabboose

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom