telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Nidaamkeena Dhaqaale Iyo Dhaawaca Wadaniyadda ” Qalinkii Ahmed Nuur Guruuje

” Nidaamkeena dhaqaale iyo Dhaawaca wadaniyadda ”Qalinkii Ahmed Nuur Guruuje

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Garyaqaan Ahmed Nuur Guruuje Oo Kamid Ah Murashaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodijeex Ayaa Maqaal Ama Fikir Uu Soo Dhigay Barta Uu Kuleeyahay Facebook Ee Uu Bulshada Kala Xidhiidho Waxaa Uu ku Cabiray Isla Markaana Tafaasiil Uu kaga Bixiyay Nidaamka Ganacsi Ee Dawlada Somaliland Ee Loo Yaqaan Suuqa Xorta Ah Ee Xag Jirka

Hadama Waa Maxay Nidaamka Dhaqaale Ee Aynu Qaadanay Ee Suuqa Xorta Ah Ee Xagjirka

Waakan Garyaqaan Musharax Ahmed Nuur Guruuje Oo Sharaxaya :-

” Nidaamka dhaqaale ee aynu qaadanay oo loo yaqaano Suuqa xorta ah ee xag-jirka ah ( Pure capitalist ama Radical Capitalist ) waa mid ku salaysan in Suuqu ka madax banaan yahay Dawladda gebi ahaanba , wax walbana ay sargooyaan baahidda iyo qul-qulka bushcuraduhu , nidaamkaas oo ah mid arxan daran oo aan jixin jixin lahayn .

Nidaamkani wuxuu dhaawacaa qaybinta khayraadka dalalka , wuxuu abuuraa dabaqado kala sareeya waxaanu suurta geliyaa in macaashka iyo faaidadu ku uruurto dad kooban .

Hadaba nidaamkan oo wax walba ganacsataddu leeyihiin ayaa saamaynta dhaqaale ee uu wadankeena ku yeeshey ka sakow wuxuu saamayn taban oo aan la dhaadin ku yeeshay aragtidii wadaniyadeed ee Bulshadda sababahan awgood .

Wadaniyadda waxaa sal-dhig u ah wada lahaansho wada dareemis iyo wadaag halka nidaamkani yahay keli yeelasho kala yeelasho iyo kala lahaansho .

Sida markay tahey , markii caafimaadkii , tacliintii , laydhkii , gaadiidkii dadwaynaha iyo wax waliba noqdeen hanti gaar ah ee dawladdu noqotay mid ku kooban fulinta iyo samaynta xeerarka guud waxaa yaraaday dareenkii wadaniyadeed ee bulshadda maxaa wacay sida dalal kale ee ku dhaqma nidaamkan bulshaddu waxay la kadeedan tahay baahidda gaarka ah ee kusoo beegantay .

Intaa waxaa inoo dheer , dawladaha ladan dawladaha ayaa kabis iyo caawimo u gaysta bulshadda si ay uga khafiifiyaan xakamaha dhaqaale ee tijaartu ku hayso bulshadda , waxaana mar walba ay bulshadda siiyaan deeqo iyo gargaar sidaas oo ay tahay quluubta wadadaas wadaniyaddu waa mid ka xaalluftay waqti horre waxaase isu haya xeerar iyo haayado dawladeed oo korasan .

Si kastaba ha ahaatee inta goori goor tahay waxaa la gudboon Somaliland in ay qaadato nidaamka cusub ee loo yaqaano hinti goosiga badhxan Kaasoo Dawladdu yeelanayso qaybo ka midda suuqa sidda Laydhka , Caafimaadka , Tacliinta iyo qaybo ka midda warshadaha si Bulshaddu u dareento wax wada lahaansho wada jirkeeduna u xoogaysto .

Wadamada qaatay nidaamkan Hanti goosigga badhxan wadaniyadda dadkoodu way ka saraysaa wadadamadda qaatay hanti goosigga badhax-tiran ., tusaale wadamadda Iskaandaneefiyeenka iyo Faransiisku way ka qiiro iyo wadaniyad badan yihiin kuwa kale sidda Maraykanka .

Hadii aan mushkiladan loo helin xal dagdagana waxaa abuurmaysa bulsho ka aradan Wadaniyad , walaalnimo iyo Naxariis oo ku xisaabtanta macaashka gaar ahaaneed oo keli ah sidda imikaba ifafaalaheedu muuqdo ” Musharax Ahmed Nuur Guruuje

 

 

 

Hargeisa/Office

Www.Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom