telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xafiiska Qurbajoogga JSL Oo Hambalyo Udiray Guddoonka Cusub Ee SSE Uguna Baaqay Jaalliyadaha Somaliland Inay Ka Soo Qaybgalaan Gurmadka Abaaraha

Hargeisa(Gaaroodinews)Xafiiska Qurbajoogga JSL wuxuu hambalyo u dirayaa Guddoonka cusub ee SSE, waxaanu ugu baaqayaa Jaalliyadaha Somaliland inay ka soo qaybgalaan Gurmadka Abaaraha 2021
Xafiiska Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL wuxuu hambalyo u dirayaa Dalladda Guud ee Isku XIdhka Jaalliyadaha Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe/SSE) doorashada ay qabsadeen maalintii Jimcaha April 2, 2021 iyo guddoonka cusub ee loo doortay hoggaaaminta Dalladda, isla markaana wuxuu dhinaca kale baaq qaylo dhaan ah gaadhsiinayaa guud ahaan Qurbajoogga Somaliland inay ka soo qaybgalaan gurmadka iyo gargaarka ay ka filayaan dadkoodu xilligan abaaraha iyo Mawjadda Labaad ee Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19 isku beegmeen.


“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan shaqaalaha Xafiiska Qurbajoogga JSL iyo ka Jaalliyadaha Somaliland ba, waxaan marka hore ku bogaadinayaa Gudidii hore ee Dalladda SSE ee wada shaqayntu naga dhaxaysay sida masuuliyadda iyo xilkasnimada leh ee ay u suurtagliyeen xilligan lagu jiro xayiraadaha Covid-19 inay hadana qaab elaktaroonik ku qabtaan doorashada, waxaanan hambalyo iyo ducaba u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee SSE Marwo Nuura Cali Dhuxul iyo xubnaha kale ee Gudida Fulinta ee lagu doortay shirkaa, waxaanan Ilaahay uga rajaynayaa inuu u fududeeyo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen inay u adeegaan Jaalliyadaha Yurub iyo danaha qaranka JSL. Waxaan sidoo kale, uga faa’iidaysanayaa fursadan inaan ugu baaqo guud ahaan Jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan daafaha caalamka inay sidii lagu yaqaannay ee wadaniyadda, wada dhalashada iyo waxtarka bani’aadanimo lahayd isa soo garab taagaan dalkooda hooyo oo ay ka soo qaybgalaan gurmadka abaaraha ee badbaadinta nolosha bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha ka taagan gobollada dalka JSL iyo Mawjadda Labaad ee Covid-19 ba iyadoo aan Ilaahay ka baryaynno raxmadiisa naxariista badan Insha Allah.”
“Ugu dambayntii waxaan uga mahad celinayaa Gudida xilka wareejisay, Mudane Cabdillaahi Axmed Xeef, Guddoomiyihii hore ee SSE iyo xubnihii Gudida Fulinta ee hore wada shaqayntii dheerayd ee naga dhaxaysay, kartida iyo dadaalka ay muujiyeen mudadii ay xilka hayeen, waxaanan u rajaynayaa Gudida cusub inay dardargeliyaan hawlaha shaqo, isku xidhnaanshaha, wada shaqaynta iyo waxwada qabsiga Jaalliyadaha wadamada Yurub, doorka ay ka gaysanayaan u adeegista danaha qaranka JSL iyo sii xoojinta xidhiidhka Jaalliyadaha JSL.”
Allaa Mahad Leh

Sacad Maxamed Cabdi
Agaasimaha Xafiiska Qurbajooga Somaliland

 

 

Hargeisa/Office

Www.Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom