Hargeisa(Gaaroodinews)Wasiirku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ayaa la tashi Balaadhan Oo Uu Sameeyeey Isaga Oo Kawakiil Ah Wasiirka Waxbarashada Somaliland Wuxuu Isu- duwayaashii Degmooyinka Gobolka Maroodijeex Usoo Bedelay Xarunta Gobolka Ee Wasaarada
Waxaana Masuul Kasta Oo Isu-duwe Heer Degmo Hore U Ahaa Waxaa Loo Magacaabay Jagadii Loo Gartay inay ku Haboon Tahay Waayo Aragnimadiisa iyo Khibradiisa.
Masuuliyiinta Xilalka Loo Magaacabayna Waxaa Kamid Ah Gudoomiye Cabdirisaaq Yuusuf Sh.Maxamuud Oo Hore U Ahaa Isuduwaha Waxbarashada Ee Degmada Balli-mataan Haatana Loo Igmaday Madaxa Dheelitirka Waxbarashada Degmada Hargeisa
Md Cabdirisaaq Yousuf Sh Maxamuud Oo Ahaa Gudoomiyihii Hore Ee Wasaarada Waxbarashada Degmada Ballimataan Ayaa Intiii Uu Hayay Xilka Isu Duwenimo Ee Waxbarashada Degmada Ballimataan Waxaa Uu Muujiyay Dadaal Muwaadinimo Isaga Oo Kor Uqaaday Mustawihii Waxbarashada Degmada Islamarkaana Waxaa Uu Jiridaha U Aasay Maamulka Waxbarashada Degmada Waxaa Uu Isku xidhay Dadwaynaha Deegaanka Iyo Macalimiinta Iyo Maamulayaasha Iskuulada Waxaanay Hada Ardayda Degmada Ballimataan Waxku Bartaa Ay Lameeqaam Yihiin Kuwa Magaalooyinka Waawayn Ee Dalka Iyaga Oo Hela Agabada Waxbarashada Ee Kala Duwan
Dhanka Kale Gudoomiye Cabdirisaaq Yuusuf Sh.Maxamuud Oo Shabakada Wararka Gaaroodinews Ayla Xidhiidhay Ayaa Wasiirka Iyo Wasiirku Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Uga Mahadnaqay Wada Shaqayntii Wanaagsanayd Ee Ay Wada Lahaayeen Intuu Uu Xilka Xidhiidhiyaha Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ee Degmada Ballimataan Uu Hayay Waxaanu Uga Mahadnaqay Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Xilkaa Qaran Ee Cusub Ee Ay U Igmadeen Waxaanu Balanqaaday Inuu Dadaalka Halkaa Kasii Wadi Doona Isla Markaana Qaranka Uu Ugu Shaqayn Doono Si Daacadnimo Leh