telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Deeq Iskugu Jirta Biyo iyo Sibidh Gaadhsiiyay Deegaanada Masaajidka Iyo Maygaagta + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Siciid Cabdisamed Cudhay Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Kormeer Kutagay Deegaanada Masaajidka Iyo Maygaagta Iyo Deegaano Hoos Yimaada

Musharax Siciid Cudhay Ayaa Intii Uu Kormeerkiisaasi Kuguda Jiray Waxaa Uu Gaadhsiiyay Deegaanadaasi Deeq Iskugu Jirta Biyo Iyo Sibidh

Musharaxa Ayaa Deeqda Biyaha Ah Ugu Talogalay Deegaanadaas Oo Aykasoo Yeedhaysay Qaylo Dhaan biyo La’aaneed

Dhanka Kale Musharax Siciid Cabdisamed Cudhay Ayaa 100 Xabo Oo Sibidha Gaadhsiiyay Deegaanka Maygaagta Isaga Oo Ugu Talo Galay In Baraag Biyo Ah Loogu Dhiso Ardayda Waxka Barata Dugsiga Maygaagta

Bulshada Kudhaqan Deegaanada Uu Musharaxu Kusoo Maray Kormeerka Ayaa Siwayn Ugu diirsaday Deeqda Musharaxa Waxaanay Uga Mahadnaqeen Musharaxa Taakulada Uu Marwalba Labarbartaagan Yahay Deegaanadooda Waxaanay Musharaxa Ubalanqaadeen Inay Iyagu Taageeradooda Labarbar Istaagi Doonaan Waxaanay Ilaahay Uga Baryeen Inuu Kugeeleeyo Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom