telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xisbiga Waddani Oo Qaabilay Musharax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde Oo Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews)Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Aykasoo Qaybgaleen Hogaanka Sare Ee  Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Taasoo Lagu Shaacinaayay Isla Markaana Xisbigu Uu Ku Aqbalaayay Musharax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde Oo Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Musharax Mukhtaar Ahmed Oo Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Munaasibad Oo Ahayd Mid Ilyartu Isqabatay Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Boqolaal Kamid Ah Taageerayaasha Musharax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde Cuqaasha Salaadiinta Beesha Musharaxa Masuuliyiinta Ugu Sareeya Xisbiga Waddani Oo Uu Horkacaayay Gudoomiyaha Kumeelgaadhka Ah Ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Masuuliyiin Kale

Salaadiinta Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Ahmed Cabdale Iyo Reer Cali Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Sheegay In Musharax Xuseen Aadan Cadde Uu Yahay Musharaxa Rasmiga Ah Ee Beesha Kumatali Doona Doorashada Golaha Wakiilada Waxaanay Sheegeen Inay Musharaxa Labarbar Taaganyihiin Taageeradooda Codkoodana Siin Doonaan Kaligii Maadaama Uu Yahay Musharaxa Sida Rasmiga Ah Umatalaaya Beeshooda

Musharax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde Oo Kamid Ah Haldoorka Siyaasiyiinta Waawayn Ee Reer Somaliland Isla Markaana Kamid Ah Masuuliyiinta Sarsare Ee Xisbiga Waddani Oo Madasha Uu Xisbiga Waddani Uu Kusoo Dhawaynaayo Musharaxnimadiisa Doorashada Golaha Wakiilada Kahadlay Ayaa Sheegay Hadii Uu Kusoo Baxo Doorashada Golaha Wakiilada Inuu Ilaalin Doono Sharciga Iyo Midnimada Reer Somaliland Isla Markaana Uu Qarankiisa Ugu Adeegi Doono Sixilkasnimo Leh

” Anigu Hadii Aanku Guulaysto Ama Aad Igu Taageertaan Codkiina Waxaan Balanqaadayaa Inaan Noqdo Nin Ilaaliya Sharciga Golaha Iyo Ka Somalilandba Waxaanan Kusuntanaan Doonaa Inuu Sharcigu Sareeyo ” Musharax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom