telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Go’aankii Baarlamaanka

Aqalka Sare oo ka hadlay go’aankii baarlamaanka

Cabdi XaashiCabdi Xaashi

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go’aankii maanta ee Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay hay’adaha dowladda, sida ay sheegeen si doorasho qof iyo cod ah la isugu diyaadiyo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacaka uu go’aan hal dhinac ah qaatay, taasina ay ” dalka u horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khatarro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin,”

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda dalka, kahor sida ay sheegeen inta aysan faraha ka bixin.

AQALKA SARE
AQALKA SARE

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom