telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Agab Isboorti Gudoonsiiyay 24 Kooxood Oo Kaqaybgalaaya Tartanka Ramadanta Ee Garoonka Guryo Samo Ee Magaalada Hargeisa + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Siciid Cabdisamad Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Ugu Cadcad Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Galabta 24 Kooxood Oo Kamid Ah Kooxaha Heerka Koobaad Iyo Labaad Ee Caasimada Hargeisa Oo Kaqaybgalaaya Tartanka Koobka Ramadaanta Ee Kasocda Garoonka Guryo Samo Gudoonsiiyay  Agab Isporti Oo Dhamaystiran
Musharaxa Siciid Cudhay Ayaa Dhalinyarada Kubada Cagta Mudooyinkii Udanbeeyay Lagarabtaagnaa Dhirigalin Balaadhan  Madama Ay Dhalinyarado U Bahan Yahiin Cid Ka Caawisa Wareegyada Ka Socda Garoomada Caasimada Hargaysa Ee Sanadkiba Mar Lagu Qabto Garomada Kala Duwan Ee Dagmoyinka Caasimada

Dhanka Kale Waxaa Xusid Mudan Musharax Siciid Cudhay Waxaa Uu Hore Agab Isboorti Oo Dhamaystiran Uu Gudoonsiiyay Kooxaha Kaqaybgalaaya Koobka Ramadanta Ee Kasocda Garoonka Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa

” Bismilaah Waxa aan maanta galinkii danbe furay Cup-ka bisha ramadaan Ee Garoonka guryo-sama ee magaalada Hargaysa.

Cup-kani oo ay ka qayb gali doonaan in kabadan dhawr iyo labaatan kooxood ayaanu maalgalinay aniga iyo musharaxa golaha wakiilada gobolka maroodi-jeex Maxamed Khadar Guul iyo gobonimo ” Musharax Siciid Cudhay

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom