telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Cuqaasha Iyo Odayaasha Beesha Baha-Dhamal Oo Taageero Umuujiyay Musharax Cabdirisaaq Wiiwaa + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Qabtay Caawa Magaalada Hargeisa Oo Aykasoo Qaybgaleen Cuqaasha Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beesha Baha Dhamal Ee Ciidagale Ayaa Waxaa Ayku Shaaciyeen In Beesha Baha-Dhamal Ay Codkooda Iyo Taageeradooda Ayla Barbar Istaagayaan Musharax Cabdirisaaq Faarax Maxamed Wiiwaa Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Maadaama Beesha Bahadhamal Aanay Lahayn Musharax Uga Sharaxan Doorashada Golaha Deegaanka

Musharax Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa Ayaa Cuqaasha Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beesha Bahadhamal Uga Mahadnaqay Taageeradooda Iyo Inay Iyagu Garteen Inay Uxusheen Inuu Kumatalo Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Musharax Cabdirisaaq Wiiwaa Waxaa Uu UBallan Qaaday Bulshada Taageertay Inuu Meteli Doono Dhamaan Bulsha Waynta Hargaysa Ku Dhaqan Waxaanu Sheegay Inuu ku Dadaali Doono Haqabtirka Baahiyahooda Kala Duwan Iyo Ka Shaqaynta Danta Guud Ee Caasimada Hargeisa

Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaan u mahadnaqayaa beesha Baha Dhamal oo igu maamuustay inaan ahaado musharaxa golaha deegaanka ee ay codkooda siin doonaan, sidoo kalena waxaan u mahadnaqayaa cuqaasha, odayaasha iyo aqoonyahanka kulanka ka soo qayb galay.
Waxaan ballan qaadayaa inaan mettelo dhamaan bulsha waynta Hargaysa ku dhaqan, oo aan ku dadaalo haqab tirka baahiyahooda kala duwan iyo ka shaqaynta danta guud ee magaalada sidii aan horeba uga shaqeeyay dhismayaasha waddooyinka dalka iyo deegaankaba ” Musharax Wiiwaa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom