telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Yaa ka Dambeeyay Rabshadihii Shalay Ka Dhacay Garoonka Muqdisho ?

.

Ra’iisall wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,ee magaalada Muqdisho oo muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay lagu arkayay garoonka oo isku dhex yaac badan iyo is tuuryen badani ay ka jirto.

Mr Rooble ayaa sheegay inuu garoonku yahay muraayaddii dalka isla markaana wixii shalay ka dhacay ay ahaayen wax aan wanaagsaneyn oo dalka ka bixinaya sawir khaldan,sidaas darteedna aan loo dul qaadan karin tallaabooyinka caynkaas oo kale ah.

“Arrintii ka dhacaday garoonka Aadan Cadde,runtii aad iyo aad ayaan uga xumaaday waa arrin foolxun waa muraayaddii dalka Soomaaliyeed waxa dhacay wax loo dul qaadan karo maahan” ayuu yiri Roooble.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rabshado iyo jahawareer ka jira qayba ka mid ah garoonka,waxaana arrintaa ka dhashay hadal hayn badan.

Ra’iial wasaare Rooble oo xalay kulan la qaatay laamaha amniga ayaa mas’uuliyiintaas faray in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi garoonka diyaaradaha ka dhacay .

“Waxaan faray wasiirka amniga wasiir Xundubey inuu ka qaado tallaabo sharciga waafaqsan sida ugu dhaqsiyaha afar iyo labaatanka saac ee soo socda,waxaa kaloon faray in ay jawaab naga soo siiyaan wasiirka amniga, taliyaha booliska, taliyaha laanta socdaalka,taliyaha hay’adda sirdoonka ee Nisa wixii meesha ka dhacay cid kastoo falkaas wax ka gaysatana sharciga la marsiiyo” ayuu yiri Rooble.Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen RoobleRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Yaa ka dambeeyay shaqaaqada ka dhacday garoonka?

Isku dhaca ayaa waxaa ku lug lahaa ciidan ka tirsan Nabadsugida dharcada ee garoonka diyaaradaha iyo Shaqaalaha Waaxda Socdaalka Gacan ka hadalkan ayaa ka billowday qeybta lagu qaabilo dadka ka soo deg duulimaadyada caalamiga ah, waxaana markii dambe la arkayay iyadoo gudaha garoonkaa gaar ahaan halka la dhiga diyaaradaha la isku feerayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintani ay ka billaabatay markii saraakiil ka tirsan nabad sugidda ay ku adkeysteen in dad ajaaniib ah oo waaxda socdaalka ay su’aalo weydiinayeen loogu dhufta baasabooradooda dal ku gal.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa ma ahan in baraha bulshada la wareejiyo wax dalkiina dhaawacaya idinkoo u arka in aad ku dhibaysaan xukuumad ama dad gooni ah waxaan dalkiina waa dadkiina oggaada in aad dalkiin leedihiin Soomaaliya ha ka dhiginina nin qaawan oo geel jire ah oo Soomaalida dhahaya walaalayaalow aan is asturno is astura shacabka Soomaaliyeed joojiya waxa aad qaybinaysaan waa sax wixii waa dhaceen cidii falkaasi gaystana waa la yaqaanaa waana laga dabatagayaa”ayuu yiri Mr Rooble.

Wasiirka amniga Xasan Xundubay ayaa dhankiisa sheegay in wixii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dhacay ay ahaayen waxyaabo taabanaya guudahaan umadda Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray in ay tallaabo degdeg ah ka qaadi doonaan cidii lagu helo in arrintaasi ay ka dambeysay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom