telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

“Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Inaad Guntiga Dhiisha Iskaga Dhigtaan Oo Aad Guusha Ugu Badan Soo Hoysaan ” Gudoomiye Ahmed Cabdidheere

Burco(Gaaroodinews)Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Ayaa Munaasibad casho-Sharaf Iyo Dardaaran Isugu Jira Uqabtay Murashaxiinta Golayaasha Deegaanada iyo Wakiiladda Ee Gobolladda Togdheer, Sanaag Iyo Sool

Munaasibad Oo Aykasoo Qaybgaleen Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga Kulmiye Oo Uu Hogaaminaayo Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Md Ahmed Cabdi Dheere Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, Wasiiro Iyo Badi Musharaxiinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Ee Gobolada Togdheer Sanaag Iyo Sool

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Md Ahmed Cabdi Dheere Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Musharaxiinta Ujeediyay Hadalo Iskugu Jira Dhiirigalin Iyo Guubaabin

Waxaanu Yidhi :-

” Xisbiga KULMIYE sidii uu horeba ugu guulaysan jiray doorashooyinkii Somaliland ka dhacay, oo tii u dambaysay uu ku guulaystay 55%, waa in aynu maantanna ku guulaysanaa, waxa aan idinkula dardaarmayaa inaad guntiga dhiisha iskaga dhigtaan oo aad guusha ugu badan soo hoysaan ” Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom