telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Baro Musharaxaaga :- Waa Kuma Mujaahid Musharax Xuseen Aadan Cadde ? + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Baro Musharaxaaga :- Waa Kuma Mujaahid Musharax Xuseen Aadan Cadde ?

Mujaahid Xuseen Aadan Abyan Oo Kamid Ahaa Mujaahidiintii Dhalinyarada Ahaa Ee 1983 Utalaabay Ururkii Dibu Xoraynta Somaliland Ee SNM Isla Markaana Tababarkii Kugashay Dugsigii Tababarka Ciidamada Ee Baabuli Imikana Ah Musharax Utartamaaya Doorashada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodijeex Ayaa Kahadlay Sababtii Uu Markii Hore Duurka Ugalay Oo Ahayd Sidii Uu Dadkiisa Iyo Dalkiisa Uu Uga Dulqaadi Lahaa Maamulkii Macangaga Ahaa Ee Somalia Imikana Uu Isoo Istaagay Sidii Uu Sharciga Ugu Hagi Lahaa

Musharaxa Oo Ay Astaantiisa Doorashadu Tahay DALAAYAD Ayaa Ah Musharaxa Qudhaata Ee Munaasibka Maanta Ku Ah Inuu Beeshiisa Iyo Qaranka Somalilandba Uu Kumatalo Golaha Sharci Dajinta

Hadaba Mujaahid Musharax Xuseen Aadan Cadde Oo Sharaxaaya Shakhsiyadiisa  Iyo Halkii Uu Kabilabay Halganka Iyo Siyaasada Somaliland Wuxuu Yidhi :-

” Waxyaabihii loo soo halgamay waxaa ka mid aheyd qof waliba inuu aragtidiisa cabiro, isla markaana fekerkiisa qofeed uu ku raaci karo ama ku taageeri karro aragtidiisa siyaasiga ah.

Aabahay wuxuu tallaabay 1982-kii, 1983-kiina Anigaa tallaabay, waxaan ka mid ahaa Ardaydii nasiibka u heshay Ciiddankii inuu dego aheyd gubad -daalaco Taliyahayagu wuxuu ahaa (Xuseen Qarash-yare) Alle ha u naxariistee.

Taliyihii iga soo saaray dugsiga tababarkee (Baabuli) wuxuu ahaa Muj-Ahmed Mirre ee qorigii ugu horeeyey ii dhiibay.

Alle ha u naxariistee Aabahay maalintii dagaalka lagalaayey 1988-kii, Anigu waxaan raacayey guutadii Sayid-Cali bisad bey ka baxaayeen habeenkii ayuu ii yeedhay wuxuu igu yidhi “Aabo aynu is xaal ogaanee ina keen” anigu maan garanaheyn markuu aabo leeyahay aynu is xaal ogaanee markaan dhaawiciisii qaaday ee aanu Diri-dhabo mareyno ayuu igu yidhi ma garaneysaa maalintaan ku lahaa aynu is xaal ogaano taan kuu sheegayey tan bey aheyd.

Markaa halgan dheer baa lasoo galay, wadankan meel dheerbaa laga keenay, wanaag baanu ku joognaa, ixtiraan baanu ku joognaa, Somaliland oo dhan aniga ka Xuseen Aden Cadde ahaan way igu xushmeeyaan hadey noqoto gobolka Maroodijeex iyo goboladda kale, xisbiga dhexdiisa wax aad u wanaagsan baanu ku heysanaa qadarin baan ku heysanaa madaxdiisa dhexdiisa, xilel badan baan xisbiga ka soo dhex qabtay iminka waxaan ahay xubin kamid ah gudida fulinta sidoo kale waxaan ahay Xoghayaha difaaca (Secretary of defence) ” Murashax Mujaahid Xuseen Aadan Cadde.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas:-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom