telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa booqasho ku yimid xarunta guud ee Telefishanka MM-TV ee Magaalada Hargeysa + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa booqasho ku yimid xarunta guud ee Telefishanka MM-TV ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo uu weheliyo wakiilka Somaliland Ee China, Amb Cawil, ayaa mid mid u booqday qaybaha kala duwan ee Telefishanka oo ay ka socotay shaqadu.

Gudoomiyaha Telefishanka Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa Wasiirka faahfaahin ka siiyay qaybaha Telefishanku ka kooban yahay iyo shaqada uu bulshada u hayo.

Wasiir Koorre, ayaa aad u bogaadiyay dedaalka horumarineed iyo geedi socodka shaqada ee uu ku arkay xarunta Telefishanka MM-TV oo muddo kooban jiray

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom