telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xasan Xundubeey iyo dagaalka Muqdisho: “Muqdisho waxaa loo soo raray dagaallo ay dowlado shisheeye wataan

Ra'isal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ciidamada ammaanka ee dowlada faray iney gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka ayna ka hortagaan waxkasta oo khatar ku ah.

Ra’isal wasaare Roble oo saaka ka hadlay dagaalladi shalay galab iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka xunyahay dhibaatadi “lagu khalakhal gelinayey amniga iyo nabadda magaalada Muqdisho xilli lagu jiro bisha barakeysan ee mudan xurmadda iyo cibaadada.”

“Cidwalba waxaan farayaa in nabadda la wada ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo. Ciidamadana waxaan farayaa inay gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga khatar kasta oo dhibaata u keeni karta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada magaalada Muqdsiho,” ayuu yiri.

“Dowladda waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo isafgarad uu yahay jidka ugu haboon ee wax kasta lagu xallin karo, howshaas oo aan billaabay aniga oo rajeeynaya in aan ku guuleysan doonno insha allah.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka, culimada, bulshada rayadka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada in aan ka wada shaqeyno xasiloonida,” ayuu yiri Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Fedraalka Soomalaiya, Xasan Xundubeey Jimcaale, oo xalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay “ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dad aan dadkooda iyo dalkooda u naxeyn,” waa sida uu hadalka u dhigaye.Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Fedraalka Soomalaiya Xasan Xundubeey Jimcaale

“Waxaa aan markale ugu baaqayaa (shacabka) in aysan ka qayb qaadan dagaallo la soo xawilay oo dano shisheeya looga shaqeynayo, oo ujeeddooyin laga leeyahay oo ay qarsoodi ahayn, dadki soo xawilayna aan ognahay, oo cid kasta oo waxgarata ay ogtahay, in dagaalladan la soo xawilay.

“Qof walboow haddaad moogeyd ogoow, indhahaaga fur, maskaxdaada fur, dagaallada Muqdisho loo soo rarayo waa dagaallo ay dowlado shisheeye wataan,” ayuu yiri.

“Waxaa loo baahan yahay waa dagaal billowgiisa la ogyahay dhammaadkiisana aan la ogeyn, ayna ka macaashi doonaa shisheeye; dallaaliintaa yaryarna waxbadan aysan ka faa’idi doonin in aadan faraha la gelin.. wixi siyaasad ah waa laga heshiin doonaa laakiin in aynan dad iska dilin, dalkana iska duminin ayaa reer Muqdishoow noo ballan ah,” ayuu sheegay Wasiirka Amniga Soomalaiya Xasan Xundubeey Jimcaale.

Mucaaradka maxay yirahdeen?

Hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay sheegeen in ciidammada dowladda ay weerar ku soo qaadeen, oo ay doonayeen in ay “khaarijiyaan”.Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo BBC u warramaya wuxuu sheegay in ay dowladda soo weerartay xilli makhrib ah oo ay afurayeen.

Wuxuu tilmaamay in seddex aag ay xabbad uga billaabatay. Ciidan fara badan oo “dabbaabaad watana ay weerarka ku soo qaadeen”

“Dowladda intaas oo jeer ayey na soo weerartay, aniga waa markii seddexaad oo la i weeraraayo; mar mudaharaad anigoo dhigaya, marna waxay ahayd 17 September, markanna waa markii seddexaad,” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.Dabbabad ciidan oo taagan mid ka mid ah waddooyinka magalada Muqdisho

Muqdisho maxaa ka dhacay?

Shalay gelinkii dambe magaalada Muqdisho waxa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

Isgoyska Fagax iyo KM4 waxay ka mid yihiin goobaha ay laba dhinac shalay gelinkii dambe iyo xalay dagaallada ku dhexmareen waloow ay saaka magaaladu deggan tahay.Dibadbaxyadii shalay ee MuqdishoDibadbaxyadii shalay ee Muqdisho

Isgooyska Fagax waxaa ka dhacay mudaharaad ay dhigayeen dad la sheegay inay ka soo horjeedeen go’aanka golaha golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalku ee muddo kordhinta labada sanno ah ugu sameeyay hay’adaha Dawladda Federaalka.

Dadka dibad baxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah madaxweyne Maxamad Cabdillaahi Farmaajo.

Ciidan xiran tuutaha militariga Soomaaliya oo watay gaadiid dagaal ayaa shalay galay qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho. Saraakiisha hoggaaminaysay waxay sheegayaan inay ka soo horjeedaan muddo kordhinta loo sameeyay hay’addaha Dawaldda Federaalka, waxyana qeyb ka ahaayeen dibadbixii ka dhacay isgyoska Fagax

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom