telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Beesha Baha-Dhamal Oo 20’000 Oo Doolar Iyo 12 Xafiis Kuwareejiyay Isla Markaana Taageeray Musharax Siciid Cabdisamed (Siciid Cudhay) + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Beesha BAHA-DHAMAL Oo Kamid Ah Beelaha Ugu Waawayn Beelwaynta Ciidagale Ayaa Munaasibad Maanta Kadhacday Magaalada Hargeisa Waxay Musharax Siciid Cabdisamad Cudhay ku maamuuseen Inuu Ahaado Xildhibaanka ku meteli doona Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Iyaga Oo Halkaa Kaga Dhawaaqay Inay Taageero Mug Iyo Miisaanleh Lagarab Istaagi Doonaan Maalinta Doorashada Codkoodana Siin Doonaan Maadaama Aanay Beesha Bahadhamal Aanay Lahayn Beel Ahaan Musharax Beeshooda Kasharaxan Oo Kumatali lahaa Doorashada

 

Dhanka Kale Beesha Bahadhamal Ayaa Waxay Musharax Siciid Cudhay  ku wareejiyeen Lacag dhan $20,000 kun Oo Doollar Oo Ay Ugu Talagaleen Inay Musharaxa Kugarab Istaagaan  iyo Furayaasha 12 Xafiis Oo Ay Hore Beeshu Ufuratay Oo Ay Iyagana Ugu Tala-galeen Musharaxa

Waxgaradka Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarada Beesha Bahadhamal Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Sheegay In Beesha Bahadhamal Ay Isla Garteen In Siciid Cabdisamed Uu Mudanyahay Inuu Ubuuxiyo Kaalintooda Banaan Ee Kursiga Golaha Deegaanka Waxaanay Cod Dheer Ugu Baaqeen Dhamaan Waxgaradka Haweenka Dhalinyarada Iyo Cidkasta Oo Ku Abtirsata Beesha Bahadhamal Inaan Codkooda Meelkale Marin Ee Ay Ucodeeyaan Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay )

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom