telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Deg+Deg:- Ciidamada Booliska Somaliland Oo Baadigoobaaya Mid Kamid Ah Libaaxyadii Warancade Oo Baxsaday

Hargeisa(Gaaroodinews)  Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Waxay Baadigoobaayaan Mid Kamid Ah Libaaxyadii Beerta Warancade Ee Magaalada Hargeisa Oo Baxsaday

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Saqadhi Dabagale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyadda Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha usoo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay kusoo wargeliyaan Ciidamada Booliska.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom