telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Khilaafka Doorashada:- Maxaa ka soo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Mucaaradka ?

.

Kulan afur ah oo ay xalay fiidkii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda midowga musharraxiinta, kuwa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug iyo mas’uuliyiin kale, ayaa la iskula gartay in dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan ammaanka magaalada iyo doorashadaba.

Kulankan wuxuu imanayaa xilli la qaboojiyay rabshadii ka taagnaa magaalada Muqdisho, maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay oggolaatay in doorasho dadban la aado, dibna loo bilaabo wadahadalladii doorashada.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa in qof walba oo mas’uul ah uu doorkiisa ka qaato dhaqdhaqaaqayada dhanka xal raadinta.

“Waxaa laga wadahadlayay sidii la isugu boorin lahaa in dhammaan dadka ka qyab galay shirka ay ka wada qayb qaataan, qof kastaana doorka uga aaddan uu ka gaysto, sidii magaalada Muqdisho amnigeeda loo dajin lahaa loogana qayb qaadan lahaa in dib loo saxo wixii khaladaad ah ee dhacay,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta, Al-Cadaala..

Sidoo kale, waxay masuuliyiintii kulantay ka wada hadleen sidii looga shaqeyn lahaa arrimaha doorashooyinka, oo wax walba oo la xiriira ka hadalka doorashooyinka lagu saleeynayo, heshiiskii 17-kii September.

Xubnaha Mucaaradka ee Shirkaan ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wajadir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo sidoo kale xubno kale.

Raysal wasaaraha Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahaan waday dadaallo ku aaddan dajinta xaaladda magaalada Muqdisho oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaardka ay ka jireen, taas oo keentay in xaafadaha qaar ay ka dhacaan iska hor imaadyo sababay barakaca illaa boqol kun oo qof.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay shacabka, wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo baaqyadii ay arrimaha doorashooyinka ka soo saareen raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, ee ku saabsanaa in dalka doorasho ay ka dhacdo.

Musharrixiinta xilka madaxweynaha ayaa dhankooda soo dhaweyay war-murtiyeedkii madaxda Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed, balse qaarkood ayaa dhaliilay khudbadii madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu kaga hadlayay arrimhii ugu dambeeyay gaar ahaanna doorashooyinkaMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo: dhowrka arrimood ee uu khudbaddiisa kaga hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo baaqyadii ay arrimaha doorashooyinka ka soo saareen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo waxkasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, taas oo uu sheegay inay ka mid tahay siyaasadaynta arrimaha ciidammada, kala qeybinta bulshada iyo burburinta hantida dadweynaha.

Hortagista Golaha shacabka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in si la isu waafajiyo dedaallada siyaasadeed iyo go’aankii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu laba usbuuc ka hor gaaray uu hortegi doono golahaas.

“Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qabashada doorasho ku salaysan heshiiskii 17 Sibteembar

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkaystay in dowladdiisa ay marwalba ka go’nayd inay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda oo nabdoon, hasayeeshee arrintaas uu tilmaamay inay caqabad ku ahaayeen dad gaar ah iyo dowlado shisheeye.

Kooxahaas oo uusan carabaabin ayuu ku ku eedeeyay inay danaynayeen in dalka uu fowdo galo, arrintaasna aysan aqabalyn: “Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,”

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dadweynaha ay go’aan ka gaari karaan dadka dhibaatada dalka ka shaqeynaya iyo kuwa hortaagan: “Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay joojiyaan wixii horseedi karo xasillooni darro, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni.

Faragelin shisheeye

Madaxweynaha ayaa sheegay in isagoo ka hortagaya hagardaamo uu tilmaamay in lagu bartilmaameedsanayo xasilloonida dalka arrintaas oo uu sheegay inay gaashaanka ku dhufteen.

Waxa uu sheegay in caqabadaha ay la kulmeen ay hormuud u yihiin waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo uu sheegay inay doonayaan burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

“Shisheeye badan ayaa maskax, maal iyo muruqba ku bxinaaya sidii ay u marin habaabin lahaayeen horumarka umadda Soomaaliyeed, si ay u helaan dano u gaar ah, annaguna waxaan ku dedaalnay inaan gaashaanka ku dhufunno,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaqa kulanka degdega ah

Madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in kulan ay isugu yimaadaan dhamaan dhinacyada heshiiskii 17-kii September si looga wadahadallo hirgalinta qodobbada heshiiskaas isla markaana horey loogu sacdo: “Waxaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17- September aan ugu baaqayaa in si deg deg ah la isugu yimaado si looga wadahadlo hirgalinta heshiiskaas kadibna loo wada saxiixo, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xireynin” ayuu madaxweyne Farmaajo

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom