telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Mareykanka: ‘Waxaan ugu baaqaynaa madaxweynaha iyo Baarlamanaka in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankii muddo kordhinta’

Mursal iyo Farmaajo

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay la socoto ballanqaadkii Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabduulaahi Farmaajo, ee 28 Abriil, kaas oo ahaa in uu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee 17-kii September, isla markaana uu si dhakhso leh dib u bilaabayo wadahadalkii dowladda Federaalka iyo Dowlad goballeedyada.

Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya in si dhaqso ah ay uga laabtaan go’aankii 12- Abriil ee muddo kordhinta.

“Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaare Rooble iyo madaxda maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sidii ay u diideen muddo kordhinta,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Maraykanka

Warka qoraalka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa sidoo kale lagu yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Qaranka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, in ay si degdeg ah u kulmaan si loo dhameystiro hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay loona qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember ee dhinacyadu isla gaareen”.

Waxaa qoraalka ku xusan in ay muhiim tahay in dhamaan hoggaamiyaasha ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeeysa iyo inay danta ummadda Soomaaliyeed uga wada hadlaan si daacad ah iyagoon ku xireynin wax shuruud ah isuna tanaasulaya.

Sidoo kale ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ayaa loogu baaqay in ay fursad siiyaan dib u bilaabashada wadahadallada siyaasadeed iyagoo meesha ka saaraya dhaqdhaqaayada ciidan iyo cagajugleynta.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha oo “haddii ay sii socdaan ay yihiin kaliya kuwo u adeegaya in xaaladda Soomaaliya ay ka sii darto.”.

Qabashada doorasho ku salaysan heshiiskii 17-kii September

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkaystay in dowladdiisa ay marwalba ka go’nayd inay qabato doorasho waqtigeeda ku dhacda oo nabdoon, hasayeeshee arrintaas uu tilmaamay inay caqabad ku ahaayeen dad gaar ah iyo dowlado shisheeye.

Kooxahaas oo uusan carabaabin ayuu ku ku eedeeyay inay danaynayeen in dalka uu fowdo galo, arrintaasna aysan aqabalyn: “Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,”

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dadweynaha ay go’aan ka gaari karaan dadka dhibaatada dalka ka shaqeynaya iyo kuwa hortaagan: “Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay joojiyaan wixii horseedi karo xasillooni darro, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GOLAHA SHACABKA

Hortagista Golaha shacabka muxuu kala kulmi karaa madaxweyne Farmaajo?

Kadib khudbadii madaxweyne Farmaajo ee uu ku sheegay in Sabtida hortagayo Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa barta Faceboog ee Golaha shacbka waxaa lagu daabacay qoraal looga codsanayo xubnaha baarlamaanka in ay soo xaadiraan Sabtida kulanka oo la filayo in madaxweynuhu hadal ka jeediyo.

Inkasta oo aan la oggaan karin waxa dhabta ah ee uu kala kulmi karo marka uu Sabtida soo socota baarlamaanka hortago madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddana dadka taxliilaya arrimahaan ayaa qaba in maadama madaxda Soomaalida dhamaantood iyo beesha caalamkaba ay hadalladoodu u bateen in wax wlaba wadahadal lagu dhameeyo ay u fududahay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay u fududahay in ay ka laabtaan go’aankii muddo kordhinta.

“Waxaan filayaa maadama maamul goballeedyada Hirshabeelle,Koofur Galbeed, Galmudug iyo gabalka Banaadirba ay hadleen maadama raysal wasaaraha uu hadlay maadama beesha caalamka iyo maamul goballeedyada kale ay sidaan doonayeen waxay ila tahay inay u fududaan doonto baarlamanaka inuu aqbalo in ay ka laabtaan qaraarkii ay soo saareen” ayuu yiri Daahir Qoriyow Isaaq.

Tallaabadii horey Golaha Shacabku u qaaday ee muddo kordhinta uu ugu sameeyay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka horyimid Madasha Qaran oo ay ku mideysanyihiin Musharaxiinta Mucaaradka ah madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, iyo sidoo kale beesha caalamka waxaana dhamaatood ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah oo dalka u horseedi karta khalalaase siyaasadeed.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom