telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxay Jubaland ka tiri Shirka Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo ?

.

Xilli ay socdaan dadaallo ku aaddan sidii miiska wadahadalka dib loogu celin lahaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa durba muuqanaya caqabado hor istaagi kara tallaaba noocaas ah.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in xal laga gaaro hirgalinta doorashada Soomaaliya, meeshana laga saaro muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda.

Laakiin waxaa jirta cabsi ku aaddan in khilaafka uu wali halkiisa kasii socdo.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.

Mar la weydiiyay in Jubaland ay ka qeyb galeyso haddii uu madaxweyne Farmaajo shir ugu yeero, ayuu ku jawaabay: “Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.”Wasiirka Warfaainta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh MaxamedWasiirka Warfaainta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan iyagana sheegay in ay shuruudo ku cirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan yeelanaya maalinta Sabtida ee barito, waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September, Golaha Shacabkuna ay ka aqbalaan arrintaas, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibi oo horay usoo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Afyare Cilmi, oo wax ka dhiga Jaamacadda Qadar, ayaa sheegay.

Dib ugu noqoshada wadahadalka masoo afjareysaa khilaafka doorashada?

Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in dib ugu noqoshada miiska wadahadalka ay tahay arrin rajo galineysa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxay ila tahay in wanaagga ah in miiska wadahadalka lagu noqonayo ay tahay rajo fiican oo u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Daahir Qoriyow.

Marka la fiiriyo hadalladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,war-murtiyeedkii Galmudug iyo Hirshabeelle, soo dhaweyntii raysal wasaare Rooble iyo mamaul goballeedyada Koofur galbeed Jubaland iyo Puntland iyo qaar ka tirsan mucaaradka ,waxaa muuqanaya in waxa ugu weyn ee hadda la isla oggalyahay uu yahay dib ugu laabashada miiska wadahadalka iyadoo udub dhaxaad looga dhigayo wadahadalkaas heshiikii 17-kii September, taas oo loo arko fursad meesha ka saari karta khilaafka xooggan ee ka taagan arrimaha doorashooyinka. Balse dhinaca kale waxaa dhici karta in aysan arrin fudud noqon in la soo afjaro khilaafkaas sababtoo ah dhinacyada qaar ayaa laga yaabaa in ay shuruudo ku xiraan waxyaabaha qaar.

“Si waa uga saareysaa oo wadahadalkaa lagu soo nqonayaa,sina ugama saarayso qolyaha qaar ayaa laga yaabaa inay sharuudo ku xiraan oo wakhti sii dheereyo ayaa noqon karta caqabad cusub oo u baahan in laga gudbo “ayuu yiri Mr Qoriyow

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom