telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Gurmad Ufidiyay Xaafadihii Iyo Dadwaynihii Uu Saameeyay Roobabkii Kada’ay Caasimada Hargeisa Isla Markaana Baaq Udiray Xukuumada Somaliland + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Aroornimadii Hore Ee Saaka Ayaa Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Ah Musharaxa Ugu Firfircoon Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Oo Uu Wehelinaayo Kuxigeenka Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigalinta Xisbiga Ucid Sheekh Ismail Maxamed Ciise Ayaa Wuxuu Ujarmaaday Inuu Xogogaal Unoqdo Isla Markaana Indhihiisa Kusoo Arko Waxyeeladii Uu Gaadhsiiyay Roobkii Shalay Kada’ay Caasimada Hargeisa Dadwaynihii Iyo Xaafadihii Kala Duwanaa Ee Udhawaa Dooxa Wayn Ee Magaalada Hargeisa

Intaasi Kadib Musharax Siciid Cudhay Markii Uu Indhihiisa Kusoo Arkay Waxyeelada Meesha Taala Ayaa Bulshada Halkaasi Kudhaqan Waxaa Uu Ufidiyay Gurmad Isaga Oo Kaga Qaybqaatay Cagaf Uu Kubanaynaayo Wadooyinka Iyo Biyo Mareenada Xidhmay  Ee Hakiyay Isku Socodkii Wadooyinkii Xaafadaha Udhaxeeyay Iyada Oo Dawladii Hoose Ee Iyadu Shaqada Kulahayd Aanay Wax Gurmad Ah Ufidin Mujtamacaasi

Musharax Siciid Cudhay Oo Ah Musharax Ladareen Ah Bulshadiisa Waxuu Saaka Kuguulaystay Inuu Baneeyo Wadooyinkii Xidhmay Iyo Biyo Mareenadii Kuwaasoo Sababay Inay Biyuhu Kujabaan Xaafadaha Dhexdooda

Hadaba Bulshada Kudhaqan Xafadaha Udhaw Dooxa Wayn Ee Magalada Hargeisa Gaar Ahaan Koonfurta Fooqa Jajabka Ee Uu Waxyeeleeyeen Roobabkii Kada’ay Maalintii Shalay Ahayd Magaalada Hargeisa Ayaa Kadareenceliyay Gurmadka Uu Ufidiyay Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed ( Siciid Cudhay ) Waxaanay Sheegeen Inuu Yahay Dirane U Adeegeeya Bulshadiisa Jilicda San Isaga Oo Aan Wali Loo Dooran Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Waxaanay Kubaaqeen In Musharax Kastaa Uu Noqdo Sida Siciid Cudhay Oo Kale

Dhanka Kale Kuxigeenka Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigalinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Sheekh Ismail Maxamed Ciise Oo Isna Warbaahinta Lahadlay Ayaa Kawarbixiyay Waxyaabaha Sababay Fatahaada Biyaha Oo Uu Sheegay Inay Dadka Qaarkood Ay Xidheen Wadooyinkii Ay Biyuhu Marilahaayeen Isla Markaana Wuxuu Sheegay In Wixii Imika Kadanbeeya Laga Feejignaado Inla Xidho Biyo Mareenada Waxaanuu Xoghaye Ismail Maxamed Ciise Uu Ku Amaanay Musharax Siciid Cudhay Gurmadka Degdega Ah Ee Uu Ufidiyay Dadkiisa Ay Saameeyeen Roobabku

Gabagabadiina Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed ( Siciid Cudhay ) Ayaa Wuxuu Baaq Udiray Xukuumada Somaliland Dawlada Hoose Ee Hargeisa Iyo Ganacsatada Dalka Oo Dhan Isaga Oo Ugu Baaqay Inay Dadwaynaha Xaafadan Kudhaqan Usoo Gurmadaan Maadaama Dadka Qaarkood Aanay Haysan Waxay Xiitaa Roobka Kagalaan Iyo Waxay Huwadaanba

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom