telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Magaalada Hargaysa Kulan Kula Qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay, safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimi safar shaqo.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo duruufaha ku gadaaman.

Madaxda Xisbiga UCID, ayaa waftigan uga warramay cadaadisyada ay xukuumaddu ku hayso Murashaxiinta Xisbiga.

Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo sidii dalka ay uga dhici-lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah.

Dawladda Ingiriiska ayaa doorashooyinka Somaliland ka qaadan jirtay door wayn, immikana ballan-qaaday in ay doorkeeda qaadan-doonto.

Kulankan ayaa waxaa gudoomiyaha ku wehelinayay, Murashaxii Madaxweyne Ku xigeen ahna Murashax u taagan doorashada Wakiilada prof Axmed Abyan, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud C.naasir Qodax, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Hibaaq Cali Maydhalaalis, Gudoomiyaha UCID Ee Uk Axmed Allaale.

Socdaalka waftigan Ingiriiska ayaa ah kii ugu horreeyay ee Somaliland ku yimaadda tan iyo intii la magacaabay Safiirkan Cusub.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom