telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Ahmed Cabdidheere Oo Masuuliyin Cusub Magacaabay + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere Ayaa Wareeegto Kasoo Baxday Xafiiskiisa Waxaa Uu Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka togdheer Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Gobolkaasi Ukala Magacaabay In :-

1.Cabdicasiis Saxardiid Maxamed Uu Ahaado Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka togdheer Ee Xisbiga KULMIYE

2. Abokor Xuseen Xasan Uu Ahaado Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Kulmiye

Sidoo Kale Gudoomiye Ahmed Cabdi Dheere Waxaa Uu Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodijeex Iyo Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex Isaga Oo Ukala Magacaabay

1.Maxamuud Jaamac Qoofal In Maanta Laga Bilaabo Uu Ahaado Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodijeex 

2.Muna Macalin Cabdi In Maanta Laga Bilaabo Ay Ahaato Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodijeex

Dhanka Kale Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Md Ahmed Cabdidheere Waxaa Uu Magacaabay Xoghayeyaasha Gobolada Sanaag Iyo Gabiley Ee Xisbiga Kulmiye

1.Mubaarig Cabdiraxmaan Xaaji Mi Atayn Uu Ahaado Xoghayaha Gobolka Sanaag Ee Xisbiga Kulmiye 

2. Xasan Jirde Maxamed Uu Ahaado Xoghayaha Gobolka Gabiley Ee Xisbiga Kulmiye

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom