telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Hay’adda Wadaniga Ah Ee Suldaan Cilmi Kabaal Oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay 100 Qoys Oo Kudhaqan Magaalada Hargeysa + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Hay’adda Wadaniga Ah Ee Suldaan Cilmi Kabaal oo Deeq Raashin ah ugu Qaybisay 100 Qoys Hargeysa
Hay’adda Samafalka Wadaniga ah ee Suldaan Cilmi Kabaal Foundation (SEKF) oo Kaashanaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Boqor Salmaan (King Salmaan Relief/KSR) Ayaa Maalintii Isniinta Ee Ay Bishu Ahayd 04/05/2021 Waxay Raashin UQaybisay 100 Qoys Oo Danyar ah Oo Kudhaqan Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Haayada Suldaan Cilmi Kabaal Foundation Oo Caan Ku Ah Inay Danayso Baahiyaha Qaybaha Bulshada Danyarta ah Ama Nugul Gaar Ahaan Xagga Daruuriyaadka Xilligan Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadaan iyo wakhtiyada kaleba (Qurbaani / As usual every year projects)

Sidoo kale Haayadan Ayaa Ah Haayad Samofal Oo Adeegyada & Arrimaha Bulshada Iyo Deegaanka  Aad Uga Hawlgasha Isla Markaana Kahawl Gasha Gobolka Awdal Ayaa Deeqda Raashinka Ah Uqaybisay 100 qoys  Oo Kakala Kooban 60 qoys Oo ka Socday Bulshada Araga Naafada ka ah iyo 40 qoys Oo Iyaguna Danyar Ah, isla Markaana Ay Badankoodu Leeyihiin xubno Naafo Jidheed ah oo Deggan Hargeysa sida lagu soo xulay.

Deeqdan Raashinka Ah oo guud ahaan Dhanayd 11.2 Tan ama 11,200kg ayaa isugu jirtay Todoba Nooc ka mid ah cuntooyinka guud ee bulshadu quudato. Waxaa ka qaybqaatay soo xulidda  gaar ahaan qoysaska leh baahiyaha gaarka ah labada Urur ee SAABIRIIN iyo SOBO oo ay xubno ka yihiin ama ka diiwaangashan yihiin.


Munaasibaddii qaybinta raashinkan oo lagu qabtay Barxadda Dugsiga Xuseen Giirree ee Hargeysa ayaa waxaa ka soo qaybgalay Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Kabaal, Guddoomiyaha Hay’adda SEKF, Cabdilqaadir Suldaan CIlmi Kabaal, Agaasimaha Waaxda Naafada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL, Guddoomiyayaasha Ururada Bulshada Araga ka Naafada ah ee SAABIRIIN iyo SOBO  iyo  Musharrax Siciid Jaamac Cali

Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Kabaal ayaa Uga Mahad celiyay Hay’adda Boqor Salmaan  Oo Iyadu Seeqdan Raashinka Ah dadka reer Somaliland Ugu Deeqday Waxaanuu Yidhi :-

Waxaa maanta Suldaan CIlmi Kabaal iyo King Salmaan  raashinkan u keeneen bulshada danyarta ah ee deggan Gobolka Maroodijeex gaar ahaan Hargeysa, weliba si gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah  qaba. Iyadoo Suldaan Cilmi Kabaal wiigagii horena ka soo qaybiyeen raashin bishan barakaysan ee Ramadaan Gobollada galbeedka, maantana wuxuu Ilaahay qadaray  inay Hargeysa ka bixiyaan.”

Waxaa Isaguna Halkaasi Kahadlay Cabdilqaadir Suldaan Cilmi Kabaal Kaasoo Kawarbixiyay Deegaanada Ay Deeqda Gaadhsiiyeen
“Waxaannu galbeedka ka soo qaybinnay  240 qoys oo danyar ah, maanta waxaan joognaa Hargeysa, 100 qoys  baan maanta Hargeysa ka qaybinaynaa taasoo  qoys walba la siiyay wixii qof bani aadam ahi uu quudan lahaa oo ay ka mid yihiin bariis, baasto, sonkor, daqiiq, saliid, timir iyo beans ama dikir ayaan u qaybinaynaa. Gaar ahaan Hargeysa, waxaan culayska saarray doorkan dadka araga naafada ka ah. Ilaahay baa mahad leh, waxaan u mahad, mar labaad iyo mar seddexaad ba waxaan u mahad naqayaa Hay’adda King Salmaan Relief oo naga gacan qabtay,” Cabdilqaadir Suldaan Cilmi Kabaal.
Guddoomiyayaasha Ururada Bulshada Araga ka Naafada ah, Liibaan Cali Aden (SAABIRIIN) iyo Mahdi Muuse Jaamac (SOBO) Ayaa Iyaguna Ugaa mahad celiyay deeqdan raashinka ah Hay’adaha Suldaan Cilmi Kabaal iyo Boqor Salmaan.

Waxaa iyaguna madasha ka hadlay Agaasimaha Waaxda Naafada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska iyo Musharax Siciid Jaamac Faarax kuwaasoo mahad celin iyo bogaadin u jeediyay Hay;adaha Suldaan Cilmi Kabaal iyo Boqor Salmaan, dhiirrigeliyayna inay aad u muhiim tahay gargaarka iyo daryeelka ay u baahan yihiin qaybaha bulshada baahiyaha gaarka ah lehi.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom