telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Haween-waynaha Beesha Cabdiciise Iyo Bahihiisa Oo Munaasibad Ayku Taageerayaan Musharixiinta Siciid Cudhay Iyo Cabdinaasir Qodax Kuqabtay Magaalada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Haweenwaynaha Ardaaga Cabdi ciise iyo Bahihiisa Ayaa Munaasibad Ayku  Qabteen Magaalada Hargeisa Waxay Taageero Mug Iyo Miisaanleh Lagarab Istaageen Musharaxiinta Rasmiga Ah Ee Isku Sidkan
Ee Beesha CCB Oo Kala Ah Musharax Siciid Cabdisamad Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Musharax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Oo Isna Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodijeex

Madasha Xaflada Lagu Qabtay Oo Haweenka Beesha Cabdiciise Iyo Bahihiisa Aysoo Soo Buux Dhaafiyeen Ayaa Waxaa Kala Soo Qaybgalay Musharax Siciid Cabdisamed (Siciid Cudhay) Oo Ah Musharax Siwayn Uga Dhex Muuqda Saaxada Siyaasada Iyo Doorasha Somalilanba
Haweenkaasi Ayaa Halkaa ka Cadeeyay Inay Hiil Iyo Hooba
La garab Istaagi Doonaan Musharax Siciid Cudhay Oo Ay Sheegeen Inuu Yahay Musharaxa Rasmiga Ah Ee Xaqa Ah Ee La Isku Raacay Ee Kumatali Doona Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Ugu Horayn Umahadceliyay Haweenka Cabdiciise Iyo Bahihiisa Taageerada Miisaanka Leh Ee Ay Umuujiyeen Darteed Waxaanu Haweenka Iyo Kasoo Qaybgalayaasha Munaasibadasi Uga Warbixiyay Halgankii Iyo Waayihii Uu Usoo Maray Doorashada Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Isaga Oo Carabka Ku Adkeeyay Inuu Hore Uga Tanaasulay Kursiga Golaha Wakiilada Oo Uu Utanaasulay Musharax Cabdinaasir Qodax

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed Siciid Cudhay Ayaa Haweenka Cabdiciise Iyo Bahihiisa Kacodsaday Inay Ku Barbar Istaagaan Codkooda Si Uu Ugu Matalo Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas:-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom