telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere Oo Kulan Dhiirigalin Iyo Dardaaran Iskugu Jira La Qaatey Musharixiinta Ceel Afweyn + Muuqaal/Sawiro

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo caawa kulan gaar ah la yeeshay murrashaxiinta degmo-doorashada Ceel-Afweyn iyo qaar kamid ah tartamayaasha kuraasta Baarlamaanka ee Gobolka Sanaag

Hargeysa(Gaaroodinews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobollada bariga dalka, ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay murrashaxiinta golaha deegaanka ee degmo-doorashada Ceel-Afweyn iyo qaar kamid ah tartamayaasha kuraasta Baarlamaanka xisbiga ku metelaya gobolka Sanaag, waxana kulankaas lagu lafo-guray arromo door ah oo la xidhiidha dardargelinta hawlaha xisbiga ee dhinaca doorashooyinka iyo is-xogwaraysiga hoggaanka xisbiga iyo murrashaxiintiisa.

Kulankan oo ay madaxda xisbiga, xubnaha wasiirrada iyo murrashaxiintuba isku weydaarsadeen xogo muhiim ah iyo afkaar kala duwan, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay murrashaxiintu isku-duubni iyo wada-jir ugu wajihi lahaayeen Ololaha doorashada soo socota, una diyaarsan lahaayeen muraaqibiin tayo leh oo maalinta doorashada xisbiga iyo murrashaxiintaba uga hawlgala goobaha ay codayntu ka dhacayso.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere ayaa dardaaran iyo talooyin waayeelnimo leh u jeediyey xubnaha murrashaxiinta ah ee xisbiga metelaya, waxana uu u caddeeyey inay xisbi ahaan si buuxda u garab taagan yihiin murrashaxiinta, isaga oo iyagana usoo jeediyey inay ka lib keenaan dedaallada ay ugu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen xildhibaanno ku rasmi ah oo xisbiga KULMIYE ku abtirsada.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom