telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Caawa Kulan Mahadnaq Ah La Yeeshay Madax-dhaqameedka Iyo Muunadda Reer Sanaag + Muuqaal/Sawiro

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE oo Caawa Kulan mahadnaq ah la yeeshay madax-dhaqameedka iyo muunadda reer Sanaag

Ceerigaabo(Gaaroodinews)-Guddoomiye-ku-Xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo maanta ku gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa caawa kulan mahadnaq iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Boqorrada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo guud ahaanba muunadda kasoo jeedda gobolka Sanaag.

Kulankan mahadnaqa ah oo ay guddoomiyaha ku wehelinayeen xubnaha wasiirrada ah ee weftigiisa kamid ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Boqorro, salaadiin, jiif caaqillo, haween iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Sanaag, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweyntii ballaadhnayd ee guddoomiyaha iyo weftigiisa maanta loogu sameeyey duleedka Ceerigaabo iyo degmooyinka dhinaca Galbeed ka xiga, waxana halkaas hadallo ka jeediyey xubno isugu jira Boqorro iyo Jiic caaqillo, kuwaas oo caddeeyey inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiinta sannadkan ka sharraxanba.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere iyo xubno kamid ah wasiirrada wehelinaya oo la hadlay waxgaradkii kulanka soo qaybgalay, ayaa bogaadiyey taageeradda cuddoon iyo soo dhaweynta laxaadka leh ee ay bulshada reer Sanaag u muujisay weftiga, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Sanaag weligeedba caan ku ahayd taageerada xisbiga KULMIYE.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom