telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Murashax Qaasim Aadan Saleebaan Oo Xadhigiisa Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo Xisbiga WADDANI uga sharraxan Golaha Wakiillada gobolka Sool ahna Afhayeenka Xisbiga ee Qaaradda Yurub ayaa faahfaahin ka bixiyay Xadhigga xukumaddu kula kacday waxaanu tilmaamay in ujeedada laga lahaa ahayd in deegaanka uu metelayo codkiisa lagu dhiso musharraxiinta Kulmiye.

“Xadhigaygu wuxuu ahaa mid siyaasadeed, waxaana ka dambeeyay Xisbiga Kulmiye oo isku dayay in uu qaato codka deegaankayga. Waxa ay madaxda Kulmiye ee gobolka Sool u yimaaddeen bulshada deegaankayga iyaga oo u sheegay in aanu Kulmiye siinayn musharrax una baahan yihiin in ay codkooda ku dhisaan (Musharraxiinta) Kulmiye.

Beeshaydu arrintaa way ka dhiidhiday waxaanay Musharrax ka noqotay Xisbiga WADDANI markaana waxaa bilaamatay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo musharraxnimadayda,’’Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom