telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal Fidriga Farriin Muhiim ahna u diray Bulshada + Muuqaal

Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee xisbiga KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal Fidriga, Farriin Muhiim ahna u diray Bulshada

Hargeysa(Gaaroodinews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna bulshada Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidul Fidriga, isaga oo farriin muhiim ahna u diray shacabka.

Guddoomiyuhu waxa uu shacabka Eebbe uga baryey inuu Ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo, barwaaqo, nabadgelyo iyo wada-jir, kana Aqbalo cibaadadii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, “Dhammaan dunida Muslimka, gaar ahaan shacabka reer Somaliland, waxan ku hambalyeynayaa ciiddan Ciidul-fidriga ee Berri noqonaysa, waxan leeyahay Ciid Mubaarik, Kulli caam Wan Antum bikhayr, Ilaahay waxan ka rajeynayaa in sannadkaas sannadkiisa uu inagu gaadhsiiyo Barwaaqo, Nabadgelyo,” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi-dheere.
Ugu dambayntii, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere waxa uu bulshada reer Somaliland u diray farriin muhiim ah oo la xidhiidha maalmaha muhiimkaha ee inagu soo foolka leh, kuwaas oo ay kamid yihiin munaasibadda 18-ka May oo ah maalinta qarannimada Somaliland iyo 31-ka Bisha May oo ah maalinta loo dareeri doono doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo Deegaanka, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay maalmahaas muhiimka ah ku qaabilaan wada-jir, midnimo, isku-duubni iyo ilaalinta amniga qaranka, qof kastaana gaarkiisa isu saaro masuuliyad waddaniyadi ka muuqato

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom